Xogayaha Xisbiga Wadani Waa Qof Aan Fahansanayn Siyaasada Waana Qofay Ka Muuqato Jaahilnimo Badani.

0
Tuesday March 12, 2019 - 23:27:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogayaha Xisbiga Wadani Waa Qof Aan Fahansanayn Siyaasada Waana Qofay Ka Muuqato Jaahilnimo Badani.

    Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan gaar ahaanba"ascw"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan gaar ahaanba"ascw"


Ka dib waxaan daawaday nin cadhaysan oo ay ka muuqato jaahilnimo badani oo lagu sheego xogyaha xisbiga wadani.

Ninkaasi waxa uu warbaahinta la horyimid hadalo oohin ,tawaawac iyo ,habaar badani ka muuqdo ,waxaana iska cad in uu ahaa qof caadifaysan oo u hadlaayey qaab hiil ah malaha xubno loo xidhxidhay burburin ay burburiyeen hanti umadeed.

Hadaba waxaa waajib ah dadka caynkaasi u hadlaaya ee hanjabaaya ee waliba leh waxbaa burburaaya in lala xisaabtamo oo sharciga la mariyo oon loo eegin waa xisbi iyo waa xoghaye.

Ugu danbeyn waxaa dadka reer somaliland la gudboon in ay ilaashadan dowladnimadood, ay kooxo u shaqeeya cadowga somaliland doonayaan in ay dumiyaa. Iyaga oo adeegsanaya qabyaalad, been iyo niyad jabinta shacabka.

Dowlada iyo laamaha amniga waxaa la gudboon in ay talaabo ka qaadaana dadkan wax ma garatada ah ee warbaahinta goorwalba la taagan cayda ,beenta iyo isku dirka shacabka.

Qore:Tahir hussein.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...