Madaxweynaha JSL oo ka Hadlay Amniga Gobolka Sanaag, Mar-Labaadna ku Baaqay Nabad
Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay yeeshay kal-fadhigoodii u horreeyay, fadhigaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo uu ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.
Kal-fadhiga 001aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somalilan, waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, kaas oo ka qabsoomay shalay oo ay taariikhdu ahayd 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno).
Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynaha Somaliland waxa uu golihiisa wasiirrada xasuusiyey in uu Qaranku uga fadhiyo in ay ugu shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan.
Dhinaca kale golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.
Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!