'' Dhaqaalaha iyo Cashuuraha ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje
Tusaale , xoolaha nool ee wadanka kasoo gala degmo X ama Y , waxaa laggu cashuurayaa sayladda xoolaha ee laggu iibsanayo , degmooyinka ay xoolahaasi dhexmarayaana laguma cashuurayo .
Hassa yeeshee jaadka waxaa loo cashuuraa si ka duwan sidda xoolaha , kastamka ugu horeeya ee ku yaala meesha uu kasoo galo ayuun baa cashuuraya .
Sidaa markay tahay , jaadka iyo xoolaha cashuurtoodu waa kala jaad , maxaa yeelay jaadka oo dhan waxaa laggu cashuurayaa hal , laakiin xoolaha midba sayladii loo wado ayuun baa daabaqadinaysa .
halkaasina waa sababta Degmooyinku ku waayeen cashuur , maxaa yeelay , Degmooyinku jaadka u yimaada ma cashuuri karaan , waayo meel kale ayaa soo cashuurtay , xoolaha dhex marayana ma cashuuri karaan , maxaa yeelay uma socdaane meeshii ay usocdeen baa cashuuraysaa ,sidaas ayaanay wixii u socday iyo wixii dhax marayay midna u cashuuri karin .
Dhaqaalaha iyo Cashuuraha .
Markabka kusoo xidha berbera , hadii uu siddo 10'000 ton , oo Hargaysi leedahay 4 kun oo ton . Wajaale 2 kun oo ton . Burco 3 kun oo ton , Boorama Kun ton , markabkaas waxaa bixiyey dhaqaalihiisa magaalooyinka soo rartay .
Hadii cashuuraha la odhan lahaa , magaalo waliba inta u socota ha cashuurato si dhaqaalihii ka baxay dib loogu celiyo waa macne , hadii la dhaho dawladda dhexe si guud kabka magaalooyinka ha ugu qaybisana waa macne ilayn markabka waa la wada rartaye , hadiise magaaladda uu kusoo xidho oo keliya inta laggu cashuuro kabkeeda la siiyo , magaalo X kama ay helin qayb cashuurtii ay bixisay .
Dhinaca kale , Jaadka waxaa laggu soo iibiyaa Lacagta lagga soo uruuriyo tuulooyinka iyo degmooyinka waddanka oo dhan .
Hadii la odhan lahaaa , maadaama jaadku yahay khasaare dhaqaale oo inagu socoto , magaalo waliba inta ay jaad cunto ha cashuurto , sidda xoolaha oo kale , jaadkana halagu cashuuro xerooyinkiisa , magaalo walba waxaa dib ugu noqon lahayd qayb ka mida lacagtii kaga baxday jaadka , hassa yeeshee hadii meel kaliya laggu wada cashuuro , ka dibna kabkeedda dib loogu celiyo , magaalooyinka kale heli maayaan lacag kaga soo noqota lacagtii jaadka kagga baxday.
Sidaa markay tahay , degmooyinka Somaliland makala dhaqaale badna , degmo Patrol , macdan , Raashin iyo wax soo saar kale leh oo cashuur ka qaadaana ma jirto , hassa yeeshee nidaamka cashuureed ee waddanka ayaa u kala sed buriyey , oo meelaha qaar si gooniya u caawiyay .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!