Cabsidu waa cadowga ugu weyn ee Nafta!
Cabsidu waxa ay qofka ka hor istaagtaa in uu qaato go'aan uu nafsadiisa...
Cabsidu waxa ay qofka ka indha saabtaa awoodihiisa iyo waxa uu qaban karo. Iyada oo qofka dareensiisa daciifnimo iyo itaal yari.
Cabsidu waxa ay qofka dhaafsiisaa fursado badan oo uu ka faa'ideysan karo, iyada oo qofka u sawirta hummaagyo Taban(Negative) ah oo ay qofka fursadaahaasi uga hor-joogsanayso oo ay ku dhaafsiinayso.
Cabsidu waxa ay qofka ka hor istaagtaa in uu qaato go'aan uu nafsadiisa wax wanaagsan ugu qaban karo, ama uu caado xun isaga jaro, iyada oo tusta qofka in go'aankaasi noqon karo mid khaldan.
Cabsidu waxa ay qofka ka hor istaagtaa in uu isbedel la yimaado, uuna ka tago ama uu ka diga rogto meesha uu maanta joogo iyo waxa uu samaynayo ee aysan nafsadiisa ku qanacsanayn.
Insha Allaah postigaan kan xiga waxan idinkula wadaagi doono hababka cabsida looga hor-tago, loogana adkaado.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...