Waxa Isbadal Ah Oo Ku Sabasan Bulshada Gaboye Kumay Soo Kordhin Xukuumadan
Waxa Isbadal Ah Oo Ku Sabasan Bulshada Gaboye Kumay Soo Kordhin Xukuumadan Uu Soo Dhisi Doonto Xibiga Wadani Waxayse Dheertahay Tii Hore Habdhaqan Takoor Siyaasadeysan Oo Ay Kula Kacayso Babi Inayso Xubinimadi Baarlamanka Ku Ma Talaysay Beesha Gaboye Iyado U Adeegsatay Shaqsi Aan Wayo Aragnimo Siyasadeed Lahayn Oo Danahisa Gar Ka Ah Wata
Waxaan aad uga xumahay in xisbigii aanu mudada dheer soo wada halganey u manta ka dhigo tacabkii beesha leef oo ha liqin taa macnaheeduna uu yahay waxanu filaynay inuu beesha usoo kordhiyo saami ay xaqa ulahayd oo ka maqnaa ee golaha wasiirada lakin waxad moda in takoorsiyasadeed oo ka xun kii kulmiye ku hayay beesha inay la yimadeen taasi oo ah in halkii laga rabay inay xukuumadan cusubi ay wax usoo kordhiso beesha aad moodo inay shuruud kaga dhigeen xubinti barlamanka reerka u ma talaysay oo ah xubin muhim u ahayd ka mid ahaan shaha sharci dajinta marka loo eego beesha oo mudo ka maqnayd in xukuumadn cusubi leedahay golaha wasiirada ayaan idink badalay xubinimad barlamanka taasi ay tahay
Takoor siyasadeed oo aad modo inanay fahmayn beeshu taasina ay sababi doonto in aanu mucaradadii anu islahayn waad ka nasan dontaan inay dantu nagu kalifi doonto inaan kasii wadno halkii iyo meel kasii saraysa aanu ku wada xisabtami doono
Iyadoo aad moodo in beesha loo adeegsada shaqsiyaad siyasad ma dhalays ka ah oo an eegay danta beesha iyo xuquuqda beesha ka maqan kuna xisabtamay dan shaqsiyadeed taasi waxaan u sheegi dona xukuumad inanay beeshu ahay shaqsi kaliya ee beeshu ay ka baladhantahay waxanu dhawaaq dheer gadhsiin doonaa cidkastoo meelkasto aanu u aragno in xal laga heli karo
Iyadoo aan u adeegsan doonto saaxiibadn ku leenahay bulshada calamka iyadoo dhibka iyo takoorkii siyasadaysnaa looga tirtiro golaha sharci dajinta taasina ay canbaar ku noqon doonto xukuumada cusub
Waxaan uga digayaa xukuumad cusub in aan xaqa beesha loo afduubin shaqsi laguna tumanin xuquuda beeshu leedahay e kamid ahaan shaha golaha wakilad waayo beeshu maha qof kaliya taasina waxya dhaawici doonta sumcada somaliland iyadoo fasiraad dhab ah laga bixin doono qaabkan cusub ee takoorka siyasadaysan ee loo adeegsanayo shaqsiyaad aan wayo ragnimo saysadee lahayn ee beesha ku abtirsanaya
Dr.Kamal Dahir Ashur
Gaboye Community And Development Org
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!