Asalkii dadkii Faraaciinta iyo israa'iiliyiintu ma Soomaali ayay ahaayeen?
Hadaba maxaad Taariikhdaas ka ogtagay ?
Ee aad kala socotaa ?
Taariikhdii iyo aasaarta qadiimiga ahayd ee Faraaciinta iyo israa' iiliyiinta .
Taariikhihii hore waxay sheegayaan , in asalkii Faraaciinta uu ahaa dad soomaaliyeed oo qeyb yari u qaxday dalkii Dadkii adoonta ahaa ee cadcadaa , ee Masarka loo xidhi jiray ,
dadka adoonta ah , ee ay gumaysan jireen dadka asalkoodu soomaali ahaa ,
oo dalka soomaaliyeed ka tegey .
Faraaciintuna iyo boqoradoodii Xatshabuut waxay odhan jirtay :
dhulkii Udgoonka (bilaad bunt) ee ilaahyada iyo awowyaashay .
Taasuna waxay cadaynaysaa in ay dhulka dadka soomaaliyeed ka tageen .
Midabka Faraaciintu waxa uu u ekaa ,
dadka soomaaliyeed
Aasaar badan oo ka hadlaysa in ay dadka Faraaciinta ku noolaayeen dhulka Somaliland ayaa meelo badan dalka Somaliland laga helay.
Fartii Faraaciinta waxa weli ay dadka soomaaliyeed sii isticmaalaan , sumadda Geela.
ASALKII DADKA ISRAA'IILIYIINTA .
Waxa kale oo culimada caalamku rumaysan yihiin ,
In asalka dadka Israel-liyiinta ahi ,
Ay dad midab madaw leh ahaayeen ,
oo ay dhulka Somaliland ku noolaayeen , oo ay aasaar badani cadaynaysaa , iyo magacyo badan oo ay dadka soomaaliyeed la baxaan ( rag iyi dumarba) Raabi - kaahin - xirsi - bele- kooshin -Baar - Zabaad - Magan - cosob
iyo magaalooyin ku qoran taariikhda Towraada ,
Oo ilaa iminka magacyadaas la yidhaahdo , sida Bulaxaar - Maydh - Zaila -
Oo aasaartoodii iyo fartii reer banii israa'iil laga helaayo meel badan oo ku yaala dhulka Somaliland.
Hadaba maxaad Taariikhdaas ka ogtagay ?
Ee aad kala socotaa ?
Nala wadaag .
Cali biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...