Maxaa saaddaaliya guusha nolosha?

0
Thursday December 12, 2024 - 15:50:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa saaddaaliya guusha nolosha?

    Waxaa jira laba xaaladood oo saadaaliya guushaada nolosha:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira laba xaaladood oo saadaaliya guushaada nolosha:


Xaaladda 1aad: waa goor dambe oo fiid ah. Maalintaadii oo dhan, waxaa aad kusoo qaadatay shaqo culus. Jimicsi baa samaysay. Wax baa akhriday. Cunto ayaa karisay. Dhar baa maydhay. Hadda, adiga oo daalan ayaa sariirtaada dhacdiidka u jeefsatay. Waxaa aad rabtaa inaad yara nasato. Marka aad waxyar sidaa u nasatay, ayaa waxaa kugu dhacay: inaad ilowday wax aad kuugu muhiim ah oo aad naftaada niddar kula gashay inaad samayso, balse aannad wali qaban!


Mar labaad dib ma u kacdaa?
(Do you get up again?)

Naftaada ma ku qasabtaa inay raaxadaa ka kacday? Mise waxaa aad tidhaahdaa: berri baa qaban doonaa? Intaa kaddib, adigu waad daalan tahay, wax macno ahna kuuma samaynayso, inaad qabato waxan kuu muhiimka ah, marka aad nasannayso.
Ma waxaad ixtiraamtaa niddarkii aad la gashay naftaada iyo waxii aad u heelanayd mise waxaa aad raacdaa dareenkaaga iyo tamar la'aantaada, illeen waa daalan tahay e, waad iskasii jiifsata ?

Xaaladda 2 aad: Adiga oo shaqada jooga ayaa lagaaga yeedhay xafiiska maamullaha, waxqabadkaagii shaqo oo dib loo eegay , ayaa lagu yidhi: waad ku guuldareysatay( you failed)
Maamulahaaguna wax kale uma banaana, in uu ku eryo mooyaane!

Sidee uga falcelisaa?

Tan miyaa aqbashaa mise waa dafirtaa?
Guuldarradan ma naftaada ayaa ku eedaysaa mise cid kale ayaa ku eedaysaa?
Intaa kaddib, intee inleeg ayay kugu qaadataa in arrinta mar kale wax ka qabato?
Ma inta aad guriga fadhiisato, ayaa iscanaanataa oo murugootaa toddobaad, mise si degdegta ayaa naftaada ugu dhaqaajisaa inay shaqo kale oo cusub raadsato?

Kabashadu waxaa ay saadaalisaa guusha ( bounciness predicts the success)

Awoodda aad u leedahay dib- u-kabashadu, waxa ay kaa dhigtaa inaad wax ka barato guukdarada. Cudurdaarka inaad ka baxdo iyo inaad aayaha si togan uga fikirto.
Haddii aad ku dhaganaato uun halka yar ee aad la qabsatay sida dirxi dhuux ku jira, waa guuldarreysanaysaa. Haddii aad kufto oo halkii aad ku dhacday sii kambadhuudho, waligaa guuleysan maysid!
"Waa maxay sababta aan u guuldarreysanaa Bruce? Markaa waxaan baran karnaa in aan nafteenna kor u qaadno."- Thomas Wayne.
Awoodda dib u istaaga degdegga ah iyo deddaalka aynu dib ugu noqonayno dagaalka, innaga oo aan ka fikireyn mar labaad in aan guuldarreysano , taasi ayaa lagu magacaabaa kabasho.
Inaad taagnaato oo aad ka fikirto farsadihii tagay , taasi marna kuuma wacna. Jooji inaad ku adkaato waxii tagay. Jooji qalad kasta oo aad gashay, inaad weynayso adigu oo ku ciqaabto naftaada iyo in uu kugu abuuro kalsooni la'aan. Waa inaad eegtaa waxa aad qaban karto hadda.
Ugu dambeyntii, dib uga kabo guuldarrooyinka, raac riyooyinkaaga oo ha ka hadhin, waa hubaal waad guuleysan doontaa.
ii xasuusnow: balanteennu waa KABASHO.

Qoraa Maxammad Haybe Axmed.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...