Muxuu ka dhigan yahay baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Baaqa oo soo baxay saqdii dhexe ee xalay waxaa uu yimid ka dib kulamo gaar-gaar ah oo dhex maray madaxweynaha martida loo ahaa ee kulanka qaban qaabiyey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay ahayd markii ugu horreysay ee ay kulan fool-ka-fool ah yeeshaan tan iyo markii khilafka uu soo dhex galay labada dal, horraantii sannadkan.
Shir jaraa'id oo seddexda mas'uul ay wada qabteen ayey ku muujiyeen yididiillo iyo inay doonayaan hore loo socdo.
Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Da'uud Aweys oo ka hadlayey wixii lagu heshiiyey ayaa yiri "labada dhinac waxay ku heshiiyeen, ayadoo lagu salaynayo warmurtiyeedka wadajirka ah, dhamaan arrimihii la isku hayey, sida heshiiskii khilaafka dhaliyey in meesha laga saaray, ayna yihiin taariikh tagtay, labada dalna ay u bilaabanayso isqaddarin ku salaysan dhowrista qarannimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal".
Inkastoo uu wasiirku sheegay in meesha laga saaray heshiiska is fahan ee Itoobiya iyo Somaliland dhex maray, misna ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu carrabka ku dhuftay in weli ay doonayaan marin badeed, wuxuuna yiri "ii ogolaada mar kale in aan halkan ka sheego rabitaanka Itoobiya ee ah inay hesho marin-badeed la isku hallayn karo, taasoo loo marayo waddada nabadda, faa'iidana u ah dhamaan deriskeenna, ayadoo la eegayo tirada da' yarta ee sii kordheysa, baahida dhaqaalaheenna ayaa qiil noo siinaysa helidda galaangalkaas.
Heshiiskii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland
Luqadda ay madaxdu isticmaaleen waxay ahayd luqad diblomaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku dhuftay in "heshiiskii khilaafka dhaliyey meesha laga saaray".
Soomaaliya waxay muddadii khilaafku taagnaa ku adkaysanaysay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, shardigaas oo u muuqda in uu hadda hirgalay, maadaama ay itoobiya sheegatay in ay u marayso danaheeda Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.
Abiy Axmed dhankiisna wuxuu sheegay inay doonayaan marin badda ku xiraya oo ay ganacsigooda sii marsiistaan, soona marsiiyaan.
Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Muuse Biixi ayaa isna kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey madasha caleema saarka madaxweynaha cusub ueddadii ay Somaliland heshiiska isafgarad ula gashay Itoobiya, wuxuuna cambaarayn kala dul dhacay madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee si toos ah uma uusan sheegin weli inuu heshiiska jiro iyo in kale.
Haddaba baaqa Ankara muxuu uga dhigan yahay Somaliland oo heshiis is afgarad la gashay Itoobiya? "Runtii, Hargeysa iyo Addis Ababa way u muuqatay in heshiiskii ay gaareen uusan shaqaynayn, waxna aysan ka hirgelin, maamulkii heshiiska galay ee Hargaysana meesha ayuu ka baxay, sidaa darteed waxay u muuqataa inuusan is-afgaradkaas shaqaynayn. Haddii Itoobiya ay arrintan u hirgeli lahayd way adkaan lahayd in ay maalgelin caalami ah u hesho waddan ama deked ay sharciyaddiisu su'aal ka taagan tahay" ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo falanqeeya arrimaha gobolka.
Warmurtiyeedka kulanka ka soo baxay ayaa isna lagu sheegay in labada dhinac ay "si dhow uga wada shaqayn doonaan heshiisyo laba geesood ah oo ay ku jiraan mucaahadooyin, heshiisyo muddaysan, iyo qaabab noocaas ah oo u saamaxaya Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya inay ku naallooto marin-badeed la isku hallayn karo, sugan, oo joogto ah ayadoo loo marayo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya".
Waxay ku heshiiyeen in ilaa bisha Febraayo ay bilaabaan arrimaha farsamada, lana soo gabagabeeyo oo la saxiixo 4 bilood gudahood.
Haddaba Waddadee loo marayaa in laga miro dhaliyio qodobbadii ay labada dhinac isku afgarteeen. Maxamed Mukhtaar wuxuu falanqeeyaa arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, wuxuuna qabaa in haddii arrimaha Soomaaliya walaaca ku hayey ay meesha ka baxeen ay macquul tahay inay suurtogasho.
"Soomaaliya laba qodob ayaa muhiim u ahaa. Kan hore waa in heshiisku noqdo mid qaranka Soomaaliya oo dawladda federaalka ay matalayso looga dambeeyo oo aan wax aqoonsi la yiraahdo lagu beddelan, iyo in uusan meesha soo gelin saldhig milateri. Itoobiyana waxay danaynaysay in ay hesho marin badeed ay isku hallayn karto oo joogto ah, labada dhinacna guiul ayey u tahay" ayuu yiri.
Heshiiska waxaa ku qoran in muddo afar bilood ah lagu soo gabagabeeyo arrintan. Maxamed Mukhtaar wuxuu qabaa in wax badan looga fadhiyo guddiga farsamo inuu qabto. "Arrintan waa baaq, waxa loo socdana waa in heshiis rasmi ah la gaaro, guddiga farsamo ayaa laga doonayaa inay u gudbaan farsamadii sheegeysay qaabka labada dhinac ay heshiis uga gaari lahaayeen marin-badeedka ay Itoobiya rabto, goobta ay noqonayso, heshiiska muddada uu soconayo, maamulkiisa, isticmaalkiisa iyo waxyaabo badan oo laga doonayo in guddiga uu soo faahfaahiyo, ka dibna uu u soo gudbiy mas'uuliyiinta labada dhinac" ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.
Heshiiskan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah mid gobolka si weyn uu isha ugu hayo iyadoo Itoobiya ay si weyn u isticmaalaysay dekedaha Berbera iyo Jabuuti. "Haddii dhanka wanaagsan laga eego, ma jirto sabab diidaysa in dekedaha Boosaaso, Hobyo, Berbera, ama Garacad ganacsi lagala sameeyo Itoobiya" ayuu yiri isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay tahay suuq weyn oo fursado fiican oo ganacsi laga heli karo.
Khilaafka muddada sannadka ku dhow jiitamayey ayaa keenay in kulamo heerkoodu sarreeyo aysan yeelan madaxda labada dal.