Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka oo Hargeysa kaga Qayb-galaya Caleema Saarka Madaxwaynaha Somaliland
Madaxwaynaha dawlad deegaan Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada Walaaje, waxaan halkaasi ku soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo masuuliyiin kala duwan.
Soo dhawaynta madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida kadib, waxa loo soo galibiyay magaalada Hargaysa, halkaasi oo madaxweynaha iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay xukuumadda Somaliland ay ka qayb’gali doona caleemo saarka Madaxweynaha Somaliland mudane C/raxman Maxamed Cabdilahi Cirro, taasi oo xaflada xil wareejinta iyo caleema saarku ay ka qabsoomi doonto maanta Qasriga madaxtooyadda Somaliland.
Wufuud kala duwan ayaa ku soo qul-qulaya Somaliland si ay uga qayb galaan calema saarka iyo xil wareejinta madaxwaynayaasha Somaliland.
Sidoo kale qaybaha kala duwan ee qurba joogta Somaliland ayaa si aad ah ugu soo qul-qulayay magaalada Hargaysa si ay uga qayb galaan caleema saarka madaxwaynaha Somaliland oo xilka la wareegaya maanta.