Maayarka Hargaysa oo Xadhiga Ka Jaray Rug Boolis oo Dawladda Hoose Ka Hir-galisay Xaafadda Qalax

0
Thursday December 12, 2024 - 12:33:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Hargaysa oo Xadhiga Ka Jaray Rug Boolis oo Dawladda Hoose Ka Hir-galisay Xaafadda Qalax

    Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhi ka Jarka Saldhiga Booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhi ka Jarka Saldhiga Booliska



Maayirka caasimadda Hargaysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge ayaa xadhiga ka jaray rug Boolis oo dawladda hoose ee Hargaysa ay ka hirgalisay xaafadda Qalax ee magaalada Hargaysa.

 

Xaafadda Qalax oo jihada Koonfureed kaga beegan Hargaysa ayaa aad ugu baahnayd adeeg bixinta ciidanka Booliska oo ay bulshadu si wayn u tabayeen inay helaan rug Boolis oo gacan ka gaysata dhibaatooyinka ka dhaca xaafadda.

 

Dawladda hoose ee Hargays ayaa hore ugu ballan qaaday inay u dhisayso Saldhig Boolis xaafadda Qalaxa, taasi oo ay kaga dhabaysay balantii ay bulshada u qaaday, waxaanay hirgalisay salidh Boolis oo ay yeelanayso xaafadani oo aad magaalada uga fog.

 

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhi ka Jarka Saldhiga Booliska xaafadda Qalax ayaa waxa ka hadlay Maayirka Hargaysa waxaanu sheegay in balantii dawladda hoose u qaaday bulshada xaafadda ay ka dhabeeyeen waxaanu yidhi

 

" Maalintii hore ee aynu halkan ku wada hadalnay waxaad ka cabanayseen in halkani ay u baahan tahay in Boolisku uu amnigii la wareego, oo loo dhiso Saldhigii, waa tii dawladda hoose balantaasi qaaday balse maanta ayaa ILAAHAY balantii inoo oofiyay ee aynu ku xamdi naqno”.

 

Dhinaca kale Maayirka Hargaysa ayaa bulshada ugu baaqayn inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska ee rugtani isla markaasina kala shaqeeyaan amniga xaafadda waxaanu yidhi

 

"Waxaanu u mahadnaynaa Booliska oo Ciidankii keenaya rugta mar haddii uu Saldhigii inoo dhismay oo amnigii ilaalinaya, dadkana wanaag bay u tahay oo qofkii inta la qabto magaalada loola cararayay waa laga raysanayaa oo imika haddii aan danbi gasho waa lagu soo qabayanaa oo waa lagu xidhi, sharcigana waa lagu horgayn.

 

Bulsho ahaan waa in aad kala shaqaysaan Booliska iyo gudoomiyaha Degmada danta guud iyo xoojinta amniga oo aad ilaashataan waxa idinka dhaxeeya, waxaanan idinka codsanayaa in aad la shaqaysaan Booliska si wixii aad ka cabanayseen wax looga qabto”.

 

Dhankooda saraakiil ka mid ah ciidanka Qaranka xaafadda ku sugnaa mudad dheer ayaa tilmaamay inay tahay guul u soo hoiyatay xaafadda maadaama ay iyagu qaban jireen hawsha Booliska oo ay gacanta ku hayeen amniga xaafadda, waxaanay bogaadiyeen dawladda hoose ee Hargaysa sida ay uga warqabto baahiyaha ka jira xaafadaha Hargasa.

 

Ugu danbayn bulshada xaafadda Qalax ee Hargaysa ayaa soo dhaweeyay Saldhiga Boolis ee dawladda hoose ka hirgalisay xaafadooda, waxaanay bogaadiyeen masuuliyiinta dawladda hoose ee u dhisay rugtani Boolis


Loading...
Loading...