Warbaahinta Washington oo ka Hadashay Aqoonsiga Dawlada Trump Siinayso Somaliland
Warbaahinta SEMAFOR ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in maamulka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump uu u dhow yahay inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ku soo laabto Aqalka Cad, taasi oo ka dhigaysa Somaliland inay noqoto dalka ugu cusub adduunka.
Warbixin ay shabakada SEMAFOR daabacday, ayaa lagu sheegay in taageerada Somaliland ay ku soo badanayso siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee qaabilsan siyaasadda Maraykanka iyo Afrika ee aqalka baarlamaanka Maraykanka, machadyada siyaasadda axadha ee Washington iyo la taliyeyaasha Afrika ee Madaxweyne Trump, ayaa in badan oo ka mid ahi u sheegeen shabakadan inay ku boorinayaan madaxweyne Donald Trump inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland haddii aanu tallaabadaasi qaadin ba maalinta koowaad ee uu xafiiska la wareego.
Shabakadda SEMAFOR ayaa xustay in aqoonsiga Somaliland uu laamaha sirta ee Maraykanka ka saacidayo hawlgaladooda muddada dheer iyo inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada hubka ee mandaqadaas iyo inay la socdaan arrimaha uu Shiinuhu ka wado gobolka ay Somaliland ku taallo.
Watsiduhu wuxuu intaas ku daray in bishii hore Somaliland ay ka qabsoontay doorashadii lixaad oo dimuqraadi ah oo uu ku guulaysysy murrashaxii mucaaridka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo noqday Madaxweynaha Somaliland.
Waxa kaloo uu xusay in siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Maraykanka iyo xubno kale ay bogaadiyeen, isla markaana dhiirigeliyeen doorashada dimuqraadiyadda ah ee hal qof iyo halka cod ah ee ka qabsoontay Somaliland, halka Soomaaliya oo colaado hadheeyeen warsiduhu xusay in ay u halgamayso in ay wax uun doorasho ahi ka qabsoomaan.
Peter Pham, oo hore u ahaa ergaygii Afrika u qaabilsanaa madaxweyne Trump muddo xileedkiisii hore, ayaa caddeeyay in nidaamka dumuqraadiyadda Somaliland uu tusmaynayo soo jiidasho iyo inay xulafo la noqdaan Maraykanka iyo dalal kaleba.
Muwaadiniin u dhashay Somaliland ayaa u xaqiijiyay SEMAFOR dharaartii doorashadii 13kii November 2024, in soo laabashada Trump ee aqalka cadi ay xoojinayso himilada madaxbannaanidooda.
Wakiika Somaliland u fadhiya Washington, Bashiir Good, ayaa iftiimiyay in ay haystaan fursad dahabi ah oo xataa haddii aanu Maraykanku aqoonsi buuxa siinin uu cilaaqaad dhow la yeellan doono Somaliland.
Joshua Meservey oo fallanqeeya siyaasadda, kana tirsan machadka Hudson Institute think tank, ayaa ku dooday inuu taageersan yahay aqoonsiga Somaliland oo uu tilmaamay inay caddeeyeen in ay maamulan karaan dalkooda, in kasta oo uu carabaabay in ictiraafka Somaliland aanu ka farxin doonin Soomaaliya.