War Ka Soo Kordhay Xaflada Xil Wareejinta Madaxweyne Cirro ee berri oo xisbiga Waddani bulshada la wadaagay .
Wufuud badan oo gobolka iyo beesha caalamka ka imanaysa owgood...
Akhriso qoraalkan uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Amb. Maxamuud Aadan Jaamac ahna Xubnaha guddiga qabanqaabada munaasibada berri ee dhanka Xisbiga Waddani oo dhigan sidan ,
"Munaasaibadda berito ka dhacaysa Madaxtooyada JSL waa munaasabad xil wareejineed isla markaanan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay qaadanayaan dhaartii distooriga ahayd.
Waxa xusid mudan in madaxweynaha talada warrejinaya Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa loo marti yahay maamulkeedana ay yagu leeyihiin.
Wufuud badan oo gobolka iyo beesha caalamka ka imanaysa owgood waxa suura gali weyday in munaasabadda laga soo qayb galiyo mudan badan aa aanu jeclayn in ay ka soo qayb galaan.
Xafladda soo dhoweynta Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Cirro ayaa Madaxtooyada JSL lagu qaban doonaa Khamiis 19ka December 2024 haddii Alle idmo."
Loading...
Loading...