"Waxaannu Beesha Caalamka UN-ka iyo AU-ka ugu Baaqaynaa in ay Aqoonsadaan Somaliland
Uruka Somaliland Advocacy and Development Foundation (SADFO) ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay aqoon sadaan jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku tilmaameen in ay buuxisay dhamaanba shuruudihii qaran looga baahnaa.
SADFO oo ah urur u heellan horumarinta xuquuqul insaanka, maamulka dimuqraadiga ah, iyo horumarka waara ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay beesha caaalamka ugu baaqeen in ay shacabka reer Somaliland siiyaan xuquuqda ah in la aqoonsado dawladda Somaliland.
Ururkan SADFO oo ay ku midoobeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo aqoon yahamiin ah, ayaa war-saxaafadeedkoodan waxay ku soo beegeen maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka, taasoo wadamo badan oo caalamka ah laga xuso 10-ka bisha December.
Waxaanu nuxurka booqaadani taabanayaa xaqa Somaliland ee Aqoonsiga iyo Qaranimada dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegayn dhalasho, qowmiyad, ama asal ahaan, iyagoona tilmaamay in aanay madaxbanaanida Somaliland ahayn mid riyo ah, balse ay tahay xaqiiq quluubta shacabka reer Somaliland ku jirta tan iyo 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii.
Baaqaasina waxa uu u dhignaa sidan: "Baaq ku saabsan xaqa Somaliland ee Aqoonsiga iyo Qaranimada dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegayn dhalasho, qowmiyad, ama asal ahaan.
Sannadkan waxa aanu indhaha ku haynaa xaaladda xuquuqal insaanka ee Somaliland, oo ah gobol muddo ka badan soddon sannadood la duudsiyay xuquuqdii aasaasiga ahayd iyo aqoonsiga uu mudan yahay. Go’aankii aftidii shacbiga Somaliland ee sanadkii 2000 ay dib ula soo noqdeen xoriyadoodii la diiday 26-kii June 1960-kii waa mid joogto ah oo aan laga noqon karin.
Madaxbanaanida Somaliland riyo ma aha ee waa xaqiiq quluubta shacabka reer Somaliland ku jirta tan iyo 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii. Reer Somaliland waxay doorteen halka ay u socdaan, ma na aha kuwo u soo jeesta wax kasta oo ay ku kacdo. Somaliland kaliya ma mudan tahay in la aqoonsado ee waxay sidoo kale mudan tahay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, oo ay ku mutaysatay guulaha ay ka gaadhay nabadda, dib u heshiisiinta iyo dawlad wanaaga.
Shacbiga Somaliland waxay 33 sanno ka hor doorteen hannaan dimuqraadi ah, ka dib 31 sannadood oo ay ku guul-darraysteen inay si iskood ah ula midoobaan Soomaalidii hore ee Talyaaniga. In kasta oo Somaliland ay dedaal ugu jirtay sidii ay u hanan lahayd dawlad nabad ah oo dimuquraadi ah, haddana beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay (UN) iyo Midowga Afrika (AU), waxay ku guul-darraysatay inay aqoonsato dawladnimadeeda.
Diid ma dani waxay soo kordhisay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul iinsaanka oo ka dhan ah dadka reer Somaliland, kuwaas oo weli raadinaya ictiraaf-raadinta iyo xuquuqda ay u leeyihiin dhammaan ummadaha.
Haddaan si yar u idhaahdo waa laba-jibbaar, caddaalad-darro iyo takoorid in dadka Somaliland ay noqdaan kuwo ay Beesha Caalamka u hayso Soomaaliya. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah dadka Somaliland waxay go’aansadeen mustaqbalkooda waxayna dib ula soo noqdeen xoriyadoodii ay diideen 64 sano ka hor xaqna way u leeyihiin.
Ictiraaf la’aanteed Somaliland heli mayso deeqaha horumarineed ee caalamiga ah ee sida weyn loogu baahan yahay iyo maalgashiga, cadaalad daradan iyo cuna qabatayntan caalamiga ahi waxay la mid tahay (Apartheid) caalami ah oo lagu hayo dadka reer Somaliland.
Waa in la Qaado Tallaabo Ficil ah:
Waxaanu beesha caalamka, UN-ka iyo AU-da ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabo cad oo ay Somaliland ugu aqoonsanayaan dal madax-bannaan. Ma jiro axdi iyo xeer caalami ah oo ka hor imanaya xaqa ay Somaliland u leedahay in ay hesho aqoonsi. Runtii, aqoonsigu waxa uu awood u siinayaa Somaliland in ay si buuxda uga qayb-gasho wada-hadallo caalami ah, si loo hubiyo in muwaadiniinteedu ay ku naaloon karaan xuquuqdooda iinsaanka oo ay ka qayb qaataan xasilloonida gobolka.
Maxay Somaliland Ugu Mudan Tahay Ictiraaf:
Dulucda Taariikhiga ah: Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay gooni isu taagtay 1991-kii ka dib dagaal sokeeye oo bahalnimo ah, iyada oo dhidibada u taagtay hab dawladnimo oo degan oo dimuqraadi ah oo ka duwan qalalaasaha ka socda gobolka.
U heellanaanta Dimuqraadiyadda: Somaliland waxa ay qabatay doorashooyin badan oo dimuqraadi ah, taas oo muujisay sida ay uga go’an tahay mabaadi’da dimuqraadiga ah iyo ku dhaqanka sharciga. Bishii hore 13-kii November waxa Somaliland ka qabsoontay doorasho nabad ah oo ay shacabka Somaliland si xor ah u doorteen Madaxweynihii 6-aad ee Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ahaa musharraxa xisbiga Waddani oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka. Madaxweynaha xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si sharaf leh u qariyey guul-darrooyinkii, waxaana Khamiista 12-ka bisha December la qaban doonaa caleema-saarka Madaxweynaha.
Nabadda iyo Deganaanshaha: Aqoonsiga Somaliland ma xaqiijinayso oo keliya xuquuqda dadkeeda ee waxay sidoo kale qayb ka qaadanaysaa nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
U doodista Xuquuqda Aadamiga: Somaliland waxay muujisay sida ay uga go’an tahay xuquuqul insaanka, iyada oo inta badan tusaale u ah dawladnimada iyo xorriyadda madaniga ah ee gobolka ay colaaduhu ragaadiyeen.
Gabagabo:
Maalintan caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, waxaanu u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay ixtiraamaan xuquuqda aadamaha cid kasta oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan ku baaqaynaa in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan si loo xaqiijiyo in muwaadiniinteedu ay si buuxda u helaan xuquuqdooda iyo xorriyaddooda.
Waqtigii wax qabadku hadda waa; aan u wada istaagno sidii aan xuquuqul insaanka u ilaalin lahayn dhammaan aadamaha. Qadiyada Somaliland waa in ay xasuusisaa wadamada xoriyada jecel in ay qadariyaan oo ay qiimeeyaan dimuqraadiyada iyo sinnaanta ay u soo halgamayaan oo ay ku talaabsadeen dhawr iyo toban sano. Nabad iyo gobonimo jecel dadka reer Somaliland wax ka yar ma istaahilaan”.
War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa guddoomiyaha ururka Somaliland Advocacy and Development Foundation Prof. Iid Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha, iyo sidoo kale xoghaya guud ee isla ururkaasi Dr. Cabdi Cabdillaahi Xasan (Mataan).