Wasaaradda Haweenka Hir-shabeelle oo maanta qabtay xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha +Sawirro

0
Wednesday December 11, 2024 - 12:01:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Haweenka Hir-shabeelle oo maanta qabtay xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha +Sawirro

    Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Dowladda Hirshabeelle...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Dowladda Hirshabeelle...


Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta Magaalada Jowhar ee caasimada dowladda Hirshabeelle ku qabatay munaasabad weyn oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, sidoo kalena lagu soo gabagabeeyay 16-ka maalmood ee tacadiyada ka dhanka haweenka.


Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ahna guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Dowladda Hirshabeelle Marwo Fowsiya Abuukar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha mudane Cabdi Daahir Guurre, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabeelle, bulshada rayidka, qeybaha kala duwan ee Haweenka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Dowladda Hirshabeelle Marwo Fowsiya Abuukar Maxamed ayaa sheegtay in maalintaan ay tahay maalin weyn oo qiimo gaar ah ugu fadhida Haweenka Soomaaliyeed.

"Hadii gabar tacadi la kulanto oo guriga ku soo laabato hadana aan sheegan karin dhibaatada loo geestay waa muhiim in wacyi gelin loo sameeyo si dhibka gaaray aysan u qarsan, Wasaaradda Haweenka waxa ka go'an iney ka hortagto dhibaatooyinka iyo tacadiyada loo geysanayo Haweenka oo ay cirib tirto, Insha Allah sanadka dambe anagoo shaqo wanaagsan ka qabanay ciribtirka tacadiga Haweenka loo geysanayo ayaa halkaan isugu imaan doonaa". ayay tiri Wasiir Fowsiya Abuukar.

Sidoo kale Wasiir Fowsiya Abuukar Maxamed ayaa munaasabada kaga dhawaaqday in agaasime Waaxeed laga siinayo Wasaaradda dadka baahiya gaarka ah qaba, iyadoo hoggaamiyaashooda ka dalbatay iney iska soo dhex saaraan qofka noqonayo agaasime Waaxeed.

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ahna guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka mudane Siraaji Sheekh Isxaaq oo munaasabadda soo xeray ayaa haweenka Hirshabeelle ugu baaqay iney la shaqeeyaan Wasaaradda Haweenka si looga hortago tacadiyada loo geysanayo.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee xuquuqdka aadanaha ayaa sanadkiiba mar la qabta, iyadoo looga hadlo arrimaha tacadiyada loo geysto bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaan Haweenka.
No description available.


No description available.
No description available.
No description available.
No description available.
No description available.
No description available.
No description available.

Loading...
Loading...