Cudurka Heego ku dhacay ee xaasidnimada ah
Xaasidnimadu waa cudur dadka naftooda halis ku ah oo aan jeclayn..
Xaadidnimadu waa cudur qalbiga dadka kaga dhaca oo wisikheeyaoo uriya.
Waa cudurka Heego ku dhacay. Qaabiil waxa uu Haabiil u dilay cudurkan ayaa ku dhacay .
Markii uu ka xumaaday in gabadhii ku soo beegantay
Ay ka qurux badnaatay gabadhii walaalkii ku soo beegantay.
Waa cudurkii 10-kii walaalaha ahaa ay ula coloobeen
Inankii yaraa ee walaalkood ahaa ee Nebi Yuusuf cs ee ina Nebi Yacquub Cs.
Xaasidnimadu waa cudurkii ay ku tashadeen in ay dilaan walaalkoodii ugu yaraa ,
Kadibna ay ceelka ugu rideen walaalkoodii ka yaraa .
Xaasidnimadu waa cudur dadka naftooda halis ku ah oo aan jeclayn in uu arko dadka kale oo kheyr iyo wanaag helay.
Xaasidnimadu waa cudur dadka haliga, oo meel xun u horseeda.
Xaasidnimadu waa cudur ka soo horjeeda horumarka bulshada iyo umadaha.
Xaasidnimadu waa cudurka cudurada .
Xaasidnimadu waa cudur aan wax kasta oo wanaagsan oo kheyr ah cid kale la jecleyn.
Waa cudur halis ku ah nafta qofka iyo bulshada.
Dawadiisu waa in dadka kale oo dhami haligmaan oo rogmadaan oo musiibooyin ku dhacaan .
Cudurka Xaasidnimadu waa xaaraan dhinaca diinta islaamka.
Cudurka xaasidnimada ma ogola diinta islaamka.
Hadaba cudurkan xaasidnimada ah ee Heego ku dhacay
Waa maxay dawadiisu?
Dawase ma leeyahay?
Cali Biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...