Maxay Tahay Faragelinta Cusub Ee Somaliya Ay Ku Eedaysay Itoobiya?

0
Saturday December 07, 2024 - 01:14:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Faragelinta Cusub Ee Somaliya Ay Ku Eedaysay Itoobiya?

    "Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa…"

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale Itoobiya ku eedeysay in ay faro-gelin ku hayso madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya, xilli weli ay taagan tahay xiisadda labada dal ee ka dhalatay is-afgaradkii ay Addis-Ababa la gashay Somaliland.

 

"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa tallaabooyinka guracan ee Dowladda Ethiopia ay ka waddo gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaa deggan, taas oo qeyb ka ah faragelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degmada Doolow ay u soo dhaqaaqeen dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee ay ka hor yimaadeen dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo, sida hadalka loo dhigay.

 

"Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

 

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.”

 

Xukuumadda Addis-Ababa ayaan laga heli karin jawaab deg deg ah oo ku aadan eedeyntan.

 

Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii Addis-Ababa ay Somaliland la gashay is-afgarad looga kireynayo dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan, ayada oo taa beddelkeedna Somaliland ay sheegtay inay aqoonsi ka heleyso Itoobiya.

 

Itoobiya ayaa shalay sheegtay in ay soo dhoweyneyso dadaallo ay wadaan Kenya iyo Uganda oo ay ku dhex-dhexaadinayaan labada dal.


Loading...
Loading...