Mucaaradka Suuriya oo qabsaday magaalo labaad oo weyn
Mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada labaad ee ugu weyn, kadib markii militariga ay kala baxeen ciidamadooda magaalada Xama, taasi oo dhabar jab kale ku noqotay madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Hogaamiyaha kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), Abu Mohammed al-Jawlaani, ayaa ku dhawaaqay "guul Xama", wuxuuna wacad ku maray inaysan jiri doonin "wax aargoosi ah".
Horay dagaalyahanada HTS iyo xulafadooda ayaa la wareegay xabsiga dhexe ee Xama, waxayna sii daayeen maxaabiis badan, halka militariga ay sheegeen in ay ciidamo ku daabuleen meel ka baxsan magaalada.
Xama ayaa hoy u ah hal milyan oo qof, waxayna 110-km dhanka koonfureed kaga beegan tahay Xalab, oo ay fallaagada qabsatay todobaadkii hore, ka dib markii ay weerar lama filaan ah ka soo qaadeen fariisinkooda oo ku yaalla waqooyi-galbeed.
Taliyaha fallaagada ayaa u sheegay dadka deggan Xums, oo ah magaalada xigta dhanka koonfureed ee waddada weyn ee Xalab ilaa Dimishiq, "waqtigiinii waa la gaaray".
Waagii hore, Madaxweyne Assad wuxuu ku tiirsanaa Ruushka iyo Iran si uu u burburiyo mucaaradka.
Laakin iyadoo labada xulafaba ay ku mashquulsan yihiin arrimahooda gaarka ah, ma cadda sida iyo qaabka uu u awoodi karo inuu joojiyo horusocodka khatar gelin kara badbaadada dowladdiisa.
In ka badan nus malyuun qof ayaa lagu dilay tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye 2011 ka dib markii xukuumadda Asad ay si adag ula dagaallantay mudaaharaadyo nabadeed oo dimoqraadiyad doon ah.
Fallaagada ayaa jabisay dhufeysyada difaaca ee dowladda ee waqooyiga Xama kadib dagaallo culus oo maalmo socday.
Milatarigu waxa ay gurmad u direen magaalada burburkii Xalab kadib. Laakiin inkasta oo ay taageero ka heleen duqeymaha cirka ee Ruushka iyo dagaalyahannada maleeshiyada ee Iran ay taageerto, ciidamadu waxay awoodi waayeen in ay ka hortagaan qabsashada Xama oo la buux dhaafiyay Khamiistii.
Taliyaha fallaagada Hassan Abdul Ghani ayaa sheegay aroortii in dagaalyahanadooda ay dagaallo culus ku qaadeen degmooyin kala duwan.
Gelinkii dambe ee shalay ayuu ku dhawaaqay in xabsiga dhexe ee Xama laga sii daayay boqolaal maxaabiis ah.
Daqiiqado ka dib, millatarigu waxa uu ku dhawaaqay in dib loogu daabulayo ciidamada meel ka baxsan Xama "si loo ilaaliyo nolosha rayidka loogana hortago dagaal kadhaca magaalooyinka".
Sawirro iyo muuqaallo la soo dhigay online-ka oo ay BBC-du xaqiijisay ayaa muujinayay dagaalyahanno ku sugan dhowr xaafadood oo waqooyi-bari ah. Maxaabiista la sii daayay ayaa sidoo kale laga duubay muuqaal iyagoo ku damaashaadaya bannaanka xabsiga dhexe oo ay la socdaan fallaago iyo wariye u shaqeeya warbaahinta taageerta mucaaradka.
Muuqaal uu baahiyay ayuu Abu Mohammed al-Jawlaani ku sheegay in dagaalyahannadiisa ay gudaha u galeen Xama si ay u "nadiifiyaan dhaawaca ka soo gaaray Suuriya muddo 40 sano ah".
"Waxaan Allaha awooda leh ka baryaya in uu noqdo mid lagu guulaysto oo aan aargoosi lahayn" ayuu sii raaciyay.
Hoggaamiyaha HTS waxa uu soo hadal qaaday dilkii lagu dilay inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 25,000 oo qof oo magaaladaas ka dhacay sannadkii 1982-dii, xilligaasi oo Madaxweynihii geeriyooday ee Hafid Al-Asad uu u diray taangiyo iyo madaafiic si uu u burburiyo kacdoonka Islaamiyiinta.
Xeelado la mid ah ayuu dalka oo dhan kaga shaqaynayay wiilkiisa Bashaar, 13kii sano ee la soo dhaafay.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalku uu "ka sii darayo xaalad argagax leh oo markii horeba ku jirtay dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga gobolka".
Dad lagu qiyaasay 280,000 oo qof ayaa ku barakacay, kuwaasoo u badan haween iyo carruur, waxaana dadka rayidka ah qaarkood ay ku xayiran yihiin goobo ka ag dhow halka lagu dagaallamayo aan ka fogeyn goobihii hore ee dagaalka, iyagoo awoodi waayay inay gaaraan goobo ammaan ah.
Xalab, oo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof, qaar ka mid ah adeegyada bulshada oo ay ku jiraan isbitaallada, cunnooyinka qaar, xarumaha korontada, biyaha, internetka iyo isgaarsiinta ayaa hakad galay sababtoo ah sahayda iyo shaqaalaha oo gabaabsi ah.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay "dhammaan kuwa saamaynta leh inay qaybtooda ka qaataan" si loo soo afjaro dagaalka sokeeye.
Madaxweyne Asad ayaa wacad ku maray in uu "burburin doono" fallaagada wuxuuna ku eedeeyay quwadaha reer galbeedka in ay isku dayayaan in ay dib u sawiraan khariidadda gobolka, halka xulafadiisa muhiimka ah ee Ruushka iyo Iran ay bixiyeen "taageero shuruud la'aan ah".
Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyey duqeymaha ay ka geysanayaan goobaha ay gacanta ku hayaan mucaaradka, maleeshiyaadka ay taageerto Iran ayaa soo dirtay dagaalyahano xoojiya difaaca dowladda, waxaana Iran ay sheegtay inay diyaar u tahay inay ciidamo dheeraad ah u dirto dalka Siiriya.
Turkiga oo taageera mucaaradka Suuriya balse beeniyey wararka sheegaya in uu ku lug leeyahay weerarka HTS uu hogaaminayo, ayaa ku booriyay Assad in uu qaab siyaasadeed la galo mucaaradka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee Suuriya 13 sano jirsaday.
HTS iyo xulafadeeda ayaa sheegay 27-kii Nofembar in ay qaadeen weerar ay ku doonayaan in ay "kaga hortagaan gardarrada", iyaga oo ku eedeeyay dowladda iyo maleeshiyaadka ay taageerto Iran in ay sii kordhiyeen weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku nool waqooyi-galbeed.
Balse waxa ay ku soo beegantay xilli asxaabta dawladda ay ku mashquuleen khilaafyo kale.
bbc/somali