Maayarka Iyo Magaalada,Muranba Dhexyaale,Maareeya Mudankoow,Marka Xigga Macanaha Qaran,Maamuuskiisa Iga Hooya.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Malaha May Haboonayn,Meeshaydin Gaadheen,
Mid Qudhaynu Nahayon,Meela Kala Tegaynino.
2-Magaaladu Hal Weeyaan,Weligeedba Ay Hayde,
Maantana Ka Sii Mudane,Maayarkeena Aamina.
3-Murankii Asxaabteena,Soo Moodnay Ololihii,
Maansha Allah Guusheena,Dunidi Majeerteen.
4-Maalinaan Fogayn Dhawr,Mawjadii Aqoonsiga,
Macnahaynu Leenahay,Mabda’eenu Waa Meelo.
5-Mudo Dheer U Samirte,Misgeed Sidigta Mandeeq,
Midigtaad Ku Haysane,Mar Danbeedto Yay Lumin.
6-Muslinka Iyo Gaalada,Mawlaha Wada Abuurayo,
Ma Moogana Asluubtodo,Mid Qudhu Ka Dhigilaiye,
7-Maamulkiisa Weeyaano,Muraadbuu Ka Leeyahay,
Mushkulada Ina Haystiyo,Masiibada Inagu Maran,
8-Muslimba Inagu Dhigay,Gaalna Aan Ka Magangaly,
Moognaan Maayo Dersko,Abaalbuna Mudanyahay.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!