"Mucaarad-nimada KULMIYE Waxay Noqon Doonta Mid wax Dhista ee Noqonmeyso Mid Wax Dumisa" W. Cali Mareexaan
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye isla qaatay inay isu diyaariyaan xisbi Mucaarid ah, oo waayeelnimo, xilkasnimo leh.
Sidoo kale waxa uu xusay in mucaaradoodu aanay noqoneyn mid wax dumisa, balse ay noqon doonto mid wax dhista, sidii horeba loogu uu uga shaqayn jiray hiigsiga iyo himilada Qaranka.
Wasiirku waxa uu siweyn ugu mahadceliyay taageerayaashi labada jeer xisbul xaakimka u doortay xisbiga Kulmiye, waxaanu tilmaamay inay codkooda ku aamineen, isla markaana ay garab taagaaneey ilaa wakhtigii xisbiga la aasaasay.
Geesta kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay sigaara ugu mahadcelinayaan bulshada Somaliland ee xisbiga Kulmiye muddo 14 sano u doortay in uu u adeego, kana shaqeeyo dantooda iyo horumarkooda isla markaana go’aamiyana masiirkooda.
Waxaanu yidhi."Kulmiye waxa uu isu diyaarinaya xisbi Mucaarid ah oo waayeelnimo, oo xilkasnimo iyo lexe-jeclo ay ku jirto, mucaaradada xisbiga Kulmiye waxa ay noqon doonta isla markaana goluhu isla qaatay hogaanka iyo madaxda hadda joogtaaba inuu noqdo xisbi wax dhisa, ee aanay noqon xisbi mucaaradadiisu wax dumiso, sidii horeba loogu yaqaaney maadama hiigsiga iyo yoolka xisbiga Kulmiye yahay Qaran taabo-gala oo ictiraaf hela horumarna hela”