Waa maxay Xanuunka babaasiirtu?

0
Wednesday December 04, 2024 - 12:39:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay Xanuunka babaasiirtu?

    Calool istaaga mudada dheer ah...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Calool istaaga mudada dheer ah...



Babaasiirtu waa xanuun yimaada marka ay bararaan aroorayaasha dhiiga ee malawadka iyo dabada(Anus) , taas oo keenta Cuncun dabada ah mararka qaarna keeni karta in dhiig dabada ka yimaado xilliga saxarada.

Waxa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah mid debedda ah(External) iyo mid gudaha ah(internal) waxayna ku kala duwan yihiin dad debedda ahi waa ka Cuncun iyo xanuun badantahay ta gudaha ah(internal).

Calaamadaha lagu garto babaasiirta

Waxay ku xidhan tahay nooca ay tahay markaa :

1)Ta gudaha (internal) -badanaa wax calaamado ah ma yeesho qofku se xilliga uu saxaroonayo(defecation) ayuu ka iman karaa dhiig ama yeelan karaa Cuncun, mararka qaarna xididad bararay ay debeda u soo bixi karaan.

2)Ta debedda(External) -wuxuu qofku yeeshaa

-Cuncun dabada ah

-Xanuun uu dareemayo xilliga saxarada

-Barar wareega dabada.

-mararka qaarna dhiig baa ka yimaada dabada.

#Maxaa sababa babaasiirta

1)Calool istaaga mudada dheer ah

2)Dadka Ducashada badan sameeya xilliga suuliga ee waqtiga badan ku qaata

3)Dadka badanaa quuta Cuntooyinka aan ahayn kuwa balka leh (low fiber diet).

#Yaa khatar ugu jira

1)Dadka Buurbuuran

2)Dadka fadhiga badan ee aan wax jimicsi ah samayn

3)Dadka qaba xanuunada ku dhaca Mindhicirada iyo malawadka.

Sidee looga hortagaa?

Habka u wanaagsan ee aad kaga hor tegi karto ama aad ku yarayn karto xanuunkeeda iyo Cuncun ka waa in aad ku dedaasho sidii ay u noqon lahayd saxaradaadu mid jilicsan , oo aad qaato

1)Cuntooyinka baalka leh

2)ku dedaasho Cabitaanka biyaha

3)aad samaysid jimicsi joogta ah

Daaweynta

1)Marka walba qofka waxa lagula taliyaa in uu ku dedaalo in ay saxaradiisu ahaato mid jilicsan isagoo samaynaya sida kor ku xusan

2)xanuun baabi'iye

3)Hydrocortisone cream waa dhiiqo ka yaranysa xanuunka iyo Cuncunka

4)Mararka qaar qaliin baa lagu sixi karaa

5)Dariiqooyinka kale ee wax lagaga qaban karo waxaa kamid ah (rubber band ligation).

Fariin: Waxa jira goobo dhaha Dhir dhaqameedka wax ku dawaynaa oo siiya dadka dhir keeni kara in qofku ka waxyeeloobo dabada markaa ka digtoonoow oo cid aan mihnadle caafimaad ahayn waxba haka qaadan.

W/Q: Mohamed Cooraaf


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...