Sweden oo ka codsatay Shiinaha inuu kala shaqeeyo baadhitaanka Xadhko laga jaray Badda Baltik

0
Monday December 02, 2024 - 12:23:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sweden oo ka codsatay Shiinaha inuu kala shaqeeyo baadhitaanka Xadhko laga jaray Badda Baltik

    Xadhkaha ay saameysay waxaa ka mid ah xadhigga Arelion

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadhkaha ay saameysay waxaa ka mid ah xadhigga Arelion



Sweden ayaa si rasmi ah uga codsatay Shiinaha inuu ka caawiyo baadhitaanka dhaawaca lagu sameeyay laba xadhig oo hoos mara Badda Baltik, kadib markii markab Shiinaha ah lala xidhiidhiyey dhacdadaas.

 

Xadhkan ayaa ah kuwo isku xidha Sweden iyo Lithuania iyo mid kale oo ka dhexeeya Finland iyo Jarmalka—ayaa lagu jaray biyaha ay xukunto Sweden ee Badda Baltik 17-kii iyo 18-kii Nofeembar. Markab ganacsi oo Shiinaha ah, Yi Peng Three, ayaa la rumeysan yahay inuu ku sugnaa deegaanka waqtiga ay dhibaatadu dhacday, waxaana uu hadda ku xidhan yahay biyaha caalamiga ah ee ka baxsan Denmark.

 

Beijing ayaa beenisay inay ku lug leedahay goynta xadhkahaas, waxayna Jimcihii sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso Sweden iyo dalal kale si loo ogaado waxa dhacay.

 

Xadhkaha ay saameysay waxaa ka mid ah xadhigga Arelion ee isku xidha jasiiradda Gotland ee Sweden iyo Lithuania, iyo xadhigga C-Lion 1 ee isku xidha Helsinki-Finland iyo dekadda Rostock ee Jarmalka. maamulka Sweden ayaa baadhaya dhaawacyada, kuwaas oo ay u maleynayaan inay si ula kac ah loo sameeyay, iyada oo wararka ay sheegayaan in markabka uu si ula kac ah ugu gooyey oo ku jiiday Baroosinkiisa ama anchor-ka, in ka badan ilaa 160 km (100 mayl). Xogta raadinta markabkana waxay muujineysaa in Yi Peng Three uu ka gudbay xadhigyada waqtiga ay go’een.

 

Markabkan ayaa tan iyo 19kii Nofembar ku sugnaa marinka Kattegat – oo ah marin isku xidha dalalka Sweden iyo Denmark kuna xidha badda Baltic iyo badda Waqooyi – waxaana ilaalinaya ciidamada badda ee Denmark.

 

Khamiistii, ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dowladdiisa ay "codsi rasmi ah u dirtay Shiinaha si ay ula shaqeyso mas’uuliyiinta Sweden si ay u caddeeyaan waxa dhacay”.

 

"Waxaan u maleyneynaa inay aad muhiim u tahay in si sax ah loo ogaado waxa dhacay, dabcan, waxaan fileynaa sidoo kale Shiinaha inuu u hoggaansamo codsiga aan u dirnay,” ayuu yidhi.

 

Waxa uu sidoo kale ku celiyay codsi hore oo ahaa in markabku uu dib ugu soo laabto biyaha Sweden si loo baadho qayb ka mid ah baadhitaanka, inkasta oo uu aanay wax eedayn ah u soo jeedin nooc kasta ah.

 

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa jimcihii sheegtay in ay "diyaar u tahay inay la shaqeyso dalalka kale si loo ogaado runta.” Afhayeen Mao Ning ayaa xaqiijisay in Shiinaha iyo Sweden ay hadda wada xidhiidh dhow ka leeyihiin arrinkan.

 

Dhaawaca xadhigyadaas ayaa ku soo beegmay xilli ay ka jiraan Badda Baltik dhowr dhacdooyin kale oo la xidhiidha burburka kaabayaasha badda hoos mara, iyada oo xiisaduhu ay kordheen tan iyo markii Ruushku bilaabay dagaalkii ba’an ee Ukraine bishii Febraayo 2022. Bishi September 2022, qaraxyo ayaa burburiyey labada xadhig ee Nord Stream ee ka dhexeeya Yurub iyo Ruushka, waxaana sidoo kale bishi Oktoobar 2023 la dhaawacay xadhig kale oo isgaadhsiineed oo ku yaal u dhexeeya Estonia iyo Sweden.

 

Jarmalka ayaa soo jeediyey in goynta xadhigyada ugu dambeysay ay noqon karto fal burcadnimo. Wasiirka Gaashaandhigga ee Jarmalka, Boris Pistorius, ayaa sheegay in "qofna aanu rumeysaneyn in xadhigyadaas si shil ah loo gooyey,” laakiin ma aanu caddeyn cidda uu u maleynayo inay masuul ka tahay. Dhinaca kale, Ruushka ayaa beeniyey eedeymaha ku saabsan in uu ka dambeeyo arrintan, isaga oo ku tilmaamay inay tahay "wax aan la rumeysan karin” iyo "sheeko qosol leh.”

 

Sweden ayaa sii wadeysa baadhitaanka arrintan, waxaana kordhay codsiyada caalami ah ee lagu sugayo badbaadinta kaabayaasha badda hoos mara.


Loading...
Loading...