Golaha Wakiilada oo laga hor-jeediyay warbixin ku saabsan Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyadda Tiknoolajiyada casriga

0
Monday December 02, 2024 - 12:17:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada oo laga hor-jeediyay warbixin ku saabsan Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyadda Tiknoolajiyada casriga

    Geesta kale waxa uu intaas raaciyay in lifaaqa guddidu uu ka kooban...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale waxa uu intaas raaciyay in lifaaqa guddidu uu ka kooban...



Fadhigii shalay ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir guddoomineyay guddoomiyaha golahaasi Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa markii uu furmey, waxa uu mudaneyaasha ku wargeliyay in ay dhageysan doonaan warbixin la xidhiidha ahmiyada xeerka amniga Tiknoolajiyadda iyo dembiyadda Tiknoolajiyada casriga, kaasi oo loogu talo galay in lagu xakameeyo dhibaatooyinka iyo xadgudubyada ka dhaca baraha bulshadu ay ku xidhiidho.

 

Warbixintan waxa golaha ka hor akhriyay guddoomiyaha guddi-hoosaadka hawlaha guud iyo tiknoolajiyada xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahin (Timo-jilic), waxaanu sheegay in xeerkani uu ahmiyad gaara u leeyahay Qaranka, waxaanu sheegay in xeerkani ay siweyn uga wada shaqeeyeen, wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada, guddoonka golaha wakiilada iyo guddida hawlaha guud iyo tiknoolojiyada.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in xeerkani uu ka kooban yahay 11 cutub isla markaana ka kooban 71 qodob iyo 85 bog, waxa uu intaas ku daray in wixii ay ku kordhiyeena ay ku qoran yihiin bogga toddobaad ee talo bixinta guddida.

 

Geesta kale waxa uu intaas raaciyay in lifaaqa guddidu uu ka kooban yahay 18 bog, waxaanu caddeeyay in ka guddi ahaan ay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyeen 35 qodob, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku kala yaalaan cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 11-aad.

 

Guddoomiye Timo-jilic ayaa sheegay in ahmiyada xeerkani ay ku qotonto qodobka 30-aad ee Dastuurka amniga iyo tiknoolojiyada casriga, ee lagu geli karo gudaha dalka ama dibediisa, waxa uu hoosta ka xariiqey in xeerkani faa’idooyin waa weyn u leeyahay Qaranka, goleyaasha iyo bulshada JSL ee u haraadan horumarka.

 

Gaba-gabadii waxa uu xildhibaanada goleyaasha Qaranka, madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha La-doortayba ka codsaday dooda, ansixinta iyo dhaqan-gelinta xeerkani.


Loading...
Loading...