DEG DEG Meydadka Qoys Lix Qof Oo Soomaali ah Oo Laga Helay Qaahira
Warar hordhac ah oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qoyskan
Guri ku yaalla Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa laga helay meydadka qoys Soomaali ah oo ka kooban illaa lix qof.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah ahaa nin oday ah, wiilkiisa, gabar wiilka xaaskiisa aheyd iyo labo caruurtooda ah sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya.
Warar hordhac ah oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qoyskan ay ku sumoobeen gaaska cuntada oo ku furmay guriga dhexdiisa, waxaana weli socda baaritaano ay wadaan Booliska Masar oo lagu xaqiijinayo sababta rasmiga ah ee keentay geerida qoyskan.
Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa isugu soo baxay guriga ay ka dhacday musiibadan kuwaasoo si weyn uga argagaxay dhacdadan murugada leh oo si weyn looga hadal hayo magaalada Qaahira iyo baraha bulshada Soomaalida.
Loading...
Loading...