Askarigii W/Q: Maxammad Haybe Axmed.
Waan u dhawaadday, waxaana aan arkey indhihiisa
"Isagu waa geesi", ayay dadku yidhaahdaan marka ay aniga iga hadlayaan.
" Waligii ma baqo". Wey qaldan yihiin. Waxaa jirtay marar aanan nin geesiya ahayn , waqtiyo aan cabsoodo ayaa jira, waliba aad u cabsoodo.
Hadda, waxaa aan ahay nin muhiim ah. Waxaa aan hayaa shaqo muhiim ah.
Dadku wey i yaqaannaan, weyna i jecel yihiin. Dadku ma oga in aanan had iyo goor geesi ahayn. Waxaa aan kuu sheegi doonaa sheekada.
Waxaa aan ahaa nin yar oo khajilaad badan. Maan jeclaan jirin in aan la hadlo, ragga kale ee dhallinyarada ah; waan baqan jirey.
" Inay igu qosli doonaan ", ayaa aan u malayn jirey.
Dumar marka ay tahayna, xaalku waa kasii xumaaba. Waligay lama hadal; iyaga aad baan uga cabsoon jirey.
Waxaan hadda isku dayaa in aan caawiyo dadka khajila. Waligay Kuma qoslin dadkaa, maxaa yeelay , waxaa aan xasuustaa waqtigii isoo maray ee aanan faraxsanaan jirin.
Waxaa jiray dagaal u dhaxeeya wadankeyga iyo wadan kale. Waa inaan noqdaa askari. Anniga! Waxaa ahaa mid mar walba baqanaya, laakiin waxa ay ahayd inaan noqdo askari! Waxa ahayd mid khatarteeda leh. Waan cabsoonayay. Askartii kale kamay hadal dagaalka, laakiin wey ogaayeen.
" Wey kugu qosli haddii aad kala hadasho", ayaa aan is-idhi.
"Iyagu ma baqanayaan". Waan qaldanaa maxaa yeelay, waxba kamaan ogoyn taas. Aad baan uga xumaaday.
Maalin, aniga oo jooga magaalada. Waxaa aan lahaa laba maalmood oo fasax ah, oo aan kasoo dheeraaday askartii kale. May jirin asxaab i wehelisaa; ma lihiba wax saaxiibbo ah. Waxaan ahaa mid aan faraxsaneyn.
Aniga oo socda ayaa dhowr tukaan dhaafay. Oday baa dhinac taagan wadada. Baabbuur badan ba may lahan . " Muxuu uga gudbi waayay wadada?" Waxaa aan is-idhi, "miyuu cabsoonayaa?"
Waan u dhawaadday, waxaana aan arkey indhihiisa. "OH, ayaa aan idhi. Hadda ayaa gartay. Odaygu wax ba ma arko! Wuxuu rabaa in uu gudbo, laakiin ma gudbi karo caawin la'aan . Dadku si degdeg ah ayay ku dhaafayaan. Waxa ay tagayeen shaqooyinkooda ama guryahooga. Dadku may caawinayn. Ma hayaan waqti.
Laakiin, anaa haya waqti- waqti badan waliba. " Wax ba ma haysid", ayaa aan is-idhi.
"Maxaannad u caawineyn". Ka baqan maayo.
Inta aan odaygii gacanta qabtay, ayaa aan ka gubiyay jidkii.
" Waad mahadsan tahay", ayaa uu yidhi.
Gacantiisii ayaa dareentay koodhkeygii.
" Kani waa koodhkii askarta", ayaa uu yidhi .
" Ma askari baa tahay?"
" Haa".
Waxaa laga yaabaa inaan sidaa ku idhi cod murugaysan. Odaygii koodhkiisa ayaa uu gacanta galiyay oo wax ka soo saaray, wuuna i siiyay.
" Tan qaado", ayaa uu yidhi . Wey ku caawin doontaa. Xidho. Wax xuni kuguma dhici doono.
Wuu iga dhaqaaqay. Waxaana eegay shaygii oo gacantayda ku jira. Wuxuu ahaa silis yar oo qurux badan oo cajiib ah.
" Waa wax ay gabadhi lahayd", ayaa ku fikiray, waxaa isaga ceshadday jeebkii koodhka.
Maalintii xigtay ayaa aannu dagaal tagnay. Aad baan u cabsoonayay - waliba cabsi weyn. Laakiin, waxaa aan xasuustay siliskii koodhkeyga ku jiray. " Waxaa laga yaabaa in uu silisku ku caawiyo", ayaa ku fikiray, sidaa awgeed, waana sii qaatayba.
Si kaddis ah ayay cabsidii iiga tagtay. Maxay tahay sababtu? Garan maayo. Ma siliskaa?
Waxa ay ahayd maalin daran. Raggii igu xeernaa oo dhami wey dhinteen.
" Waxa laga yaabaa in adiguna aad dhiman doonto", ayaa ku fikiray laakiin, maan baqaneynba!
Taliyahayagu wuxuu ahaa nin geesi ah.
Mid mar walba naga horreeya, ayaa uu ahaa. Annaguna waannu dabagali jirney. Si kaddis ah, ayaa uu u dhacay. Dhulka ayaa uu ku dhacay, mana dhaqaaqin. Askartii kalena wey joogsadeen. Waxa ay ahaayeen kuwo baqanaaya.
Waxaa aan ku fikiray, " waxaa laga yaabaa in hoggaamiheennu aannu dhiman. Waan u tagi doonaa, soona eegi.
Waan u tagay isagii. Dagaalkii hadda wuu sii xumaaday, laakiin ma ihi nin baqanaya.
" Waxaan haystaa siliskii oo ila jira." ayaa ku fikiraayay. " Waxaa aan ahaan doonaa mid badqaba".
Dib ayaa u soo celiyay, waxaana keennay hoggaamiyahayagii meel ka nabdoon halkii hore. Kaddib, waxaa aan fiiriyay isagii. Wuxuu ahaa mid aad u cad oo xanuunsanaya, laakiin muu dhiman. Indhihiisii ayaa furmay, wuuna igu dhoolacaddeeyay.
Wuu hadlay- si hoose, laakiin waa waan maqlay.
"Xaga hore tag!", ayaa uu yidhi.
"Ragga kalena wey ku dabagali doonaane"
Raggii wey i dabagaleen, waxaana aannu maalintaa u dagaalanay si fiican.
Intaa kaddib, waxaa aan ahaa mid aad u fiican. Cabbaar yar kaddib, waxaa sidoo kale noqday hoggaamiye.
Raggu waxaa ay ahaayeen kuwo riyaaqsan, wayna i dibagaleen. Waxii intaa ka dambeeyay dadku iguma ay qosleyn.
"Taasi ma sax baa?", ayaa ku fikiray.
" Anigu ma ihi nin aad geesi u ah'. Arrintu waa siliska!
Dadka umaan sheegin arrinta siliska. Markii ugu horreysay ee aan saaxiibbo yeesho ayay ahayd, waxaana ahaa mid aad u faraxsan.
Maalin, waxaa ay ahayd inaan qaadno buundo( bridge). Waxaa saaran askar badan, waxa ayna haystaan qoryo waaweyn. Dalku wuxuu ahaa mid furan, oo aan lahayn geedo. Waxaa ay ahayd mid khatar badan, askarteyduna wey baqanayeen.
" Waannu dhimanaynaa", ayay yidhaahdeen.
"Dhagaysta", ayaa idhi. Anaa ugu horreynaya, si dhakhso lehna weynu u wada ordi doonnaa si aynu u gaadhno buundada. Ha baqanina. Dhammaanteen inamawada dili karaan. Isoo raaca. Waxa aynu qaadi doonnaa buundadaa."
Gacantayda ayaa koodhka galiyay, laakiinse siliskii kuma jirin!
" Maxaad samaysaa ?", ayaa is-idhi.
" Geesi ma noqon kartid, silis la'aan".
Raggii ayaa wajiyadooda sidaa u eegay. Maaha kuwo baqanaya hadda. Waxaa aan is-idhi, " hadalkaagii baa caawiyay". Maaha kuwo hadda baqanaaya. Aniga ayayba i suggayaaan.
Meel kasta wey ii raaci doonaan. Anigu waxaan ahay hoggaamiyahoogii , ma noqon karo mid baqda.
Waxaan ku dhawaaqay, innamariya! Waannu cararnay. Waxaa aannu gaadhnay buundadii. Qaar ka mid ah raggii ayaa aannu ku waynay, laakiin waannu gaadhnay meeshii. Waxaa aannu qabsannay buundadii!
Waligay i laawi maayo maalintaa. Wax baa ka bartay; wax ku sahabsan geesinnimada ragga.
Ragga geesiyaashu wey baqdaan, sidoo kale, laakiin taasi ma joojiso iyaga.
Sidoo kale, waxaa aan xasuustaa odaygii siliska sitay. " Wuu ku caawin doonaa", ayuu yidhi. Wuu saxsanaa. Waxa aan ka bartay geesinnimada, xitaa haddii aanan haysan siliska.
Waqtigaa, waxaa aan ahaa nin dhallinyaro ah, laakiin hadda waxaa aan ahay oday.
Nin geesi ah inaan ahay ayay dadku ii maleeyaan; Haa, wey saxan yihiin. Anigu waxaan ahay geesi!
Dhammaad.
W/T: Maxammad Haybe Axmed.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...