Sakaraadkii Nololeed,Siliciyo Darxumadii,Sebenada Ina Saaraa,Dadkeenii Socdaalaye,Saacidaayay Ehelkooda,Soo Celi Wadaadkii Intuu Siistay Shilimaad.
Sakaraadkii Nololeed,Siliciyo Darxumadii,
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Sebenada Dulsaaraa,Dadkeenii Socdaalee,
Saacidaayay Ehelkooda,Siisayo Dhaqaaluu.
2-Xumo Kama Sariigtuhu,Siistayo Wuxu Yidhi,
Soo Celiya Edilkoodba,Suugaan Hora Tidhi.
3-Sakaraad Ma Hadalba,Wax I Sii Ma Sooryaah,
Safariyo Socdalada,Saacadsaacad Loo Baxo.
4-Sabab Kale Ha Moodine,Saldhigedu Waa Lacag,
Sadbursiimo Gaar Iyo,Siyaasadeenan Weeyaan.
5-Saluug Kii Ka Qabayow,Kugu Filan Silsiladani,
Sandulanay Kugu Tahay,Sacabkood Garaacda.
Ismail Abdillaahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!