Maxay dadku u jecel yihiin cunnada la isla cuno

0
Saturday November 30, 2024 - 13:08:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay dadku u jecel yihiin cunnada la isla cuno

    Cabsida ku saabsan hoos u dhaca isla cuntaynta qoyska,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabsida ku saabsan hoos u dhaca isla cuntaynta qoyska,



Kumanaan sano ayey bani’aadmigu ku noolaayeen nolol ku dhisan is ay kooxo-kooxo isugu yimaadaan marka ay doonayaan inay cunto cunaan. Haddaba maxay arrintan muhiim u tahay, maxaase loo sii wadaa dhaqankan?

 

Waa arrin caalami ah oo aan hal qolo u gaar ahayn. waxaan jecelnahay inaan u wada fariisanno si wadajir ah. Cuntada aan wada cunno asxaabta, xafladaha cashada, iyo kulamada fasaxyada cunnada la wadaago waa wax caadi ah oo ay naadir tahay in la xuso.

 

Cabsida ku saabsan hoos u dhaca isla cuntaynta qoyska, tusaale ahaan, waxay si joogto ah u noqdaan kuwo la hadal hayo. Waxaa jira cadaymo muujinaya in walaacyadan oo kale aysan ahayn isbeddel casri ah oo laga yaabo inay jiraan ugu yaraan 100 sano. Wax wada cunista, ma aha oo kaliya wax caadi ah, laakiin waa arrin si uun u xoog badan. Laakiin waa maxay sababtu?

 

Wadaagista cuntada habdhaqan ahaan waxay u badan tahay inay dib ugu noqoto ka hor asalka Noolihii bani’aadmiga ka horreeyey, sida chimpanzees iyo bonobos, oo ah laba ka mid ah kuwa aadka ugu dhow bani’aadmiga, waxayna sidoo kale cuntada la wadaagaan bulshooyinkooda, sida ay khubarada bayolojigu arkeen. Laakin in dadka kuugu dhow la siiyo cunto la mid ma aha in aad dad wax wada cuntaan, ayuu tilmaamay Nicklas Neuman oo ku takhasusay cilmiga bulshada oo ka tirsan jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden. "Waxaad u qaybin kartaa cuntada shay ahaan adoon fadhiyin oo run ahaantii dadka kale aan wax la cunin," ayuu yiri. Aadamuhu waxaad mooddaa inay falkan ku soo kordhiyeen tiro lakabyo bulsho oo adag.

 

Cunnadii ugu horreysay ee la wadaago waxaa laga yaabaa in ay ahayd mid lagu cunay meel dab lagu shitay. Ma jirto cid hubta markii bani’aadmiga ama kuwii ka horreeyey ay barteen wax karinta, qiyaasaha xilligaasna way kala duwan yihiin, ayadoo qaar ay sheegayaan in laga joogo 1.8 malyan oo sano, laakin marka uu qof ugaarsi tago oo cunno keeno oo dab la shido, ka dibna la kariyo waxay noqonaysaa mid muujinaysa in koox bulsho ahaan isku xiran oo is caawinaya ay jiraan, ayadoo geeddi socodkaas uu heerar kala duwan marayo.

 

Marka dabka hareerihiisa la wada fariisto, ee iftiinkiisa meel dheer laga soo arkayo, waxaa is arkaysaa adigo iska soo jeeda, sida uu sheegayo oo ah khabiir bartay cilmiga biological anthropology ee jaamacadda Oxford. Saacadahaas dheeraadka ah ee maalinta ayaa noqon kara fursad dahabi ah oo muhiim u ah isku xirnaanta bulsho ahaan ee cunnadaas ay suurto galisay.

 

Si kastoo ay tahay asalka arrintan, cunnada la isla cunno waxaa lala xiriiriyey wadajirka wanaagsan ee bulsho, sida uu Dunbar ku ogaaday daraasad 2017 la weydiiyey dadka ku nool UK oo ah inta goor ee ay cunno wada cunaan dad kale.

 

Dadka kale oo mararka qaar cunto lala cuno ayaa lala xiriiriyaa qaneecad xagga nolosha ah, iyo saaxiibbo badan oo la yeesho, kuwaasoo lagu tiirsanaado, marka taageero loo baahdo. Dunbar wuxuu soo bandhigay taxliil istaatiistiko ku salaysan oo uu sheegay in cunnada ay la timid saamayn ijtimaaci ah.

Dadka kale oo mararka qaar cunto lala cuno ayaa lala xiriiriyaa qaneecad xagga nolosha ah, iyo saaxiibbo badan oo la yeesho, kuwaasoo lagu tiirsanaado, marka taageero loo baahdo. Dunbar wuxuu soo bandhigay taxliil istaatiistiko ku salaysan oo uu sheegay in cunnada ay la timid saamayn ijtimaaci ah.

 

"Wax cunidda waxay kicisaa hanaanka endorphin ee maskaxda, taasoo ah maaddada mas’uulka ka ah xiriirka ka dhaxeeya bani’aadamka iyo kuwii ka horreeyey” ayuu yiri Dunbar. "In cunno la wada cuno ayadoo kooxo la yahay ayaa keenaya saamaynta enorphin. Sababtu waa dhaqdhaqaaqyo isku xiran oo sare u qaadaya soo saarista endorphin” ayuu sii raaciyey.

 

In cunno la isla cuno ma aha ficil taban oo la joogtaybn karo oo sahlan. Marka cunno aad u badan la isla cunayo sida Zabta, waxaa la arkaa in ay tahay arrin si isku xiran loo sameeyo loona koontaroolo


Loading...
Loading...