Waa sidee maskaxda dadka caadeysta cayaaraha khamaarka.

0
Saturday November 30, 2024 - 13:05:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa sidee maskaxda dadka caadeysta cayaaraha khamaarka.

    Waxay sheegeen in dhibaatada ay badan tahay oo ay sidoo kale ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay sheegeen in dhibaatada ay badan tahay oo ay sidoo kale ..



Wax aan la joojin karin ayaa ku riixaya khatarta. Laakin marka xaqiiqdii nasiibku yimaado, qosol iyo farxad ayaa la socota. Waxaa lagu yaqaanaa kharash garayn aan koontarool lahayn, iyo in aan dan laga lahayn deynta sii badanaysa.

 

Halkan waxaa yaalla erayo sharaxaya waxa ku dhacaya qofka khamaarka qabatima. Erayada waxaa ka mid ah sharadka isboortiga ama khamaar loo dhigto isboortiga waa eray buugaagta caafimaadka ugu jira in uu yahay xanuun laga qaado khamaarka.

 

Ururka cilmi-nafsiga Mareykanka ayaa sheegay in muuqaalkan loo asteeyay in uu yahay khamaar soo noqnoqday.

 

Waxay sheegeen in dhibaatada ay badan tahay oo ay sidoo kale saameyneyso qoyska qofka khamaarka dheela iyo bulshada oo dhan.

 

Maxay tahay waxa maskaxda qofka dheela khamaarka ka guuxaya? Maxaa keenaya in dadka dheela khamaarka qaarkood xanuunsadaan, kuwa kalena aysan waxba dareemin? Maxaase laga sameyn karaa dadka qabatimay?

 

BBC ayaa la hadashay dhakhaatiir aqoon u leh dhibatada waxayna ka soo ururiyeen jawaabahan iyo su’aalo la xiriira xanuunka ku dhaca dadka dheela khamaarka.

 

Waxa ka socda gudaha maskaxda qofka khamaarka dheela

Lucas Spanemberg oo ah dhakhtar cudurada dhimirka iyo cilmibaare ka tirsan machadka jaamacadda Rio Grande do Sul ayaa ku tilmaamay khamaarka la qabatimo in uu la mid yahay sida mandooriyayaasha kale.

 

"Waxaa jirta qeyb maskaxda ka mid ah oo sida fiilooyinka isugu xiran. Waxay keentaa dareenka qanacsanaanta”, ayuu yiri dhakhtarka oo sharaxayay sida ay wax uga socdaan maskaxda.

 

Wax kasta oo farxad na siiya sida galmada, cuntada, jaceylka iyo waxyaabaha kale waxay keenaan in maskaxda ku sii deyso fiilooyinkaas fariimo muhiim u ah farxadda. Dhibaatada waxay tahay waxay ku sii deynayaan maskaxda xadi badan.

 

"Ka soo qaad in farxadda caadiga ah dhacaanka ay sii deyso maskaxda ay tahay 10, marka aan wax caadeysano sida khamaarka waxay kor u kaceysaa ilaa 100” barbardhigaas ayuu dhakhatarku sameeyay.

 

Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta dhimirka waxay ku sheegeen farqiga in ay tahay in "qiyaas ka badan tii caadiga aheyd oo qanacsanaan ah la siiyo maskaxda” taasna waxay qaldeysaa garashada, waxayna keeneysaa dareen ah in la sii wado falkaas.

 

"Si tartiibtartiib ah ayuu qofka u joojinayaa waxyaabaha faa’idada ka soo galeysa oo sida caadiga maskaxda u shaqeyneyso” ayuu yiri Spanemberg

 

Qeybta maskaxda ee dhibaatooyinka xalisa

Dr. Vinícius Andrade oo ku takhasustay cudurrada maskaxda ee keena dadka qabatima waxyaabaha ay adeegsadaan ayaa ku tilmaantay in khamaarka uu dhaawaco meelo kale oo maskaxda ah sida qeybta ku shaqada leh go’aan gaarista.

 

Cilmibaaris ayaa muujineysa in qeybo ka mid ah maskaxda ay yaraaneyso shaqadooda kuwaas oo muhiim u ah fakarka.

 

Farqigan ku dhaca maskaxda ayaa ku adkeynaya qofka in uusan gaari karin go’aan macquul ah sida in qofka ka fogaado khataraha. Arintan waxay keeneysaa wareeg waxyeelo leh.

 

Saameynta way kala duwan tahay, waxayna ku xiran tahay nooca khamaarka ee qofka uu qabatimo.

 

Dr. Andrade waxay sheegtay sida shirkadaha tiknolojiyada u isticmaalaan xogta dadka si ay u ogaadaan isticmaalka khamaarka, taasoo ka dhigeysa in qofka sii qabatimo siina wado in uu khamaarka dheelo iyadoo lagu wareerinayo fariimo ah in uu helayo fursado iyo faa’ido.

 

Maxay dadka qaarkii u qabatimaan khamaarka

Mowduuc 2019-kii dib u eegis lagu sameeyay oo ay horkacayeen jaamacadda Yale iyo machadyo kale ayaa ku qiyaasay saameynta khamaarka uu ku hayo dadka adduunka in ay u dhexeysa 0.4 ilaa iyo 0.6 boqolkiiba.

 

WHO iyo khubarada waxay si guud isugu raaceen in boqolkii qof mid ka mid ah uu saameeyo.

 

Dadka joogtada u dheela halista uu khamaarka ku keeno aad ayuu u weyn yahay. Waxyaabo ay ka mid yihiin in goor hore qofka oo ka yar 18 sano uu barto iyo waxyaabo kale ayaa keena saameynta in khamaar la qabatimo.

 

Dhibaatada khamaarka waxay gaartay meel kasta. Soomaaliya oo aan laga aqoon xitaa qeyb ayey ka tahay.

 

Dr Mohamud Garre oo ka shaqeeya arrimaha bulshada kana tirsan jaamacadda City ee magaalada Muqdisho, muddo dheerna caafimaadka UK ka shaqeynayay ayaa sheegay in arrimo ay ka mid yihiin cadaadis kaga imaanaya qofka saaxiibadi isagoon ka warqabin in ay ku riixdo cayaaraha khamaarka ee aan haqab beelka lahayn.

 

"Marka ugu horreysa cadaadis ka yimaada saaxiibada ayaa keena in ay galaan iyagoo xitaa aan ka warqabin, saaxibadood ayaa lacag ka sameynaya, meeshaas lagu soo dumayaa, markaas ayey imaaneysaa saameynta maskaxda” ayuu yiri isagoo ka hadlayey in khamaarka uu dhibaato ku hayo gudaha dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale dhakhtarka waxa uu sheegay in dhibaatada ay gaartay dalka oo hadda ay tahay mid la arkayo.

 

"Dhibaatada Soomalida dibadda way ka badan tahay tan gudaha, waxaa dalka laga dheelaa 1XBET, waa khamaar caadi ah sida mid UK ee sharciyeysan balse gudaha aan sharci ka aheyn, lacagaha dibada ayey aadaan, lacago culus oo doolar ayaa dibad aada”.

 

Soomaaliya waxa uu saameeyay khamaarka qoysaska, iyadoo waalidka la weydiinayo lacag si ay lacag kale oo badan ugu dhasho.

 

"Waalidiinta fakar badan kama haystaa marka lacagtooda ay khasaarto iyagaba qeyb ayey ka noqonayaan waxa ka dhashay. Sida ay u daba socdaan lacagta khasaartay ayey ku tagaan.”

 

Maamulka Puntland iyo dawladda federaalka ayaa mamnuucay isticmaalka barta 1xBet. Waxay sheegeen inuu burbur dhaqaale keenay.

 

Maxaa lagu aqoonsadaa in qofka qabatimay

Ururka cudurada dhimirka Mareykanka ayaa ku qeexay in xanuunka laga qaado khamaarka uu leeyahay astaamo ay ka mid yihiin qofka oo mar kasta ku fakara in uu dheelo. Sidoo kale in uu ku bixiyo lacag badan si uu u helo qanacsanaan iyo waxyaabo kale oo badan.

 

Psychiatrist Dr. Andrade waxay sheegtay muhiimadda ay leedahay in qofka uu helo taageerada qoyska iyo saaxiibada maadama kuwa caadeysta khamaarka ay la dhuuntaan caadadooda iyo khasaarahooda. "Hadii aan la taageerin waxay keeneysaa dhibaato dhaqaale iyo mid nafsi" ayey tiri Dr. Andrade.

 

Sidee loo daaweeyaa xanuunka laga qaado khamaarka?

In wax laga qabto khamaar dhibaatada uu keeno waa in qofka loo sameeyaa qorshe ku saleysan baahidiisa.

 

Dr. Spanemberg waxay ku sheegtay in dad badan ay sidoo kale qabaan xanuunada maskaxda sida welwel iyo niyadjabka, waxayna u baahan yihiin in la siiyo dawo yareysa.

 

Dalka Brazil marka khamaarka uu kodhay ayna soo baxeen kuwa badan oo xayeesiiyay waxay keentay taas in laga walaaco caafimaadka dadka.

 

Khubaro uu ka mid yahay Dr. Spanemberg ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto khamaarka iyo dhibaatada caafimaad uu leeyahay. Khamaarka internetka laga dheelo waxa uu kordhay laga bilaabo 2018-kii.


Loading...
Loading...