Daarood Iyo Hawiye,Dawladay Wadagaan,Degimayso Weligeed.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Dameer Malab La Saara,Dinaxyada Biqleeyo,
Dushiisaba Ma Oga'oo,Durdurada Ma Daayaa.
2-Dawladahan Aduunkee,Dulmigaw Gargaaraa,
Degdegay Oo Aqoonsaday,Dad Inay Yihiin Jira.
3- Deeqna Waxay U Siiyeen,Xaqayagii La Duudsiyay,
Dilaacyo Wakaas Yimid,Distooriyo Ma Laha Xeer.
4-Deegaankii Abuurayee,Dawladninimada Barayay,
Dafireen Budlaanooy,Dibaday Uga Saareen.
5-Durbadiina Kala Didoo,Diide Inay Midoobaan,
Dani Gooni Weeyo,Doorashu Qabsaday Kali.
6-Dagaal Wuxu Ka Jooga,Daaroodkii Hadhayon,
Digiyo Midhifleh Dayo,Diidanoon Hawiye Rabin.
7-Dib Waa In Loogu Celiyaa,Daartii Aduunkey,
Dacwadoodu Taale,Daraad Laga Damiintay.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!