Anigu Waxaan Adeer U Ahay Ninkii Dalka Iyo Dadkaba Dhawra !!!!W/Q Mukhtaar Qoofal
Aabahay ayaa iiga sheekeeyay waagii waddanka lagusoo noqday gaar ahaan xilligii
xukuumadii marxuum Cigaal ayaa waxa golayaasha baarlamaanka ee (Guurtida iyo
Wakiilada) waxa ka jiray shirwayne Qaran oo uu madaxwaynaha JSL Marxuum Cigaal
fadhiyay waxaana shirka lagaga doodayay halka dalku marayo
Dabadeed waxa madashii shirka ka kacay nin ka mida siyaasiyiinta Somaliland oo ay isku beel yihin Xaaji Cabdi Waraabe (Ciidagale) ah ninkaas ayaa hadlay oo aad dawlada u dhaliilay oo haddalo kulayl u badana ka jeediyay madasha
Deedna nin odaya oo xildhibaana ayaa Xaaji Cabdiwaraabe waydiiyay oo Ku yidhi "waar ninkani waa Qoloma"?
Xaaji Cabdi Waraabe oo Garanayay Ninkaa Sida qalafsan ee
kulul u hadlayay ee beeshiisa ah wuxuu ninkii ugu jawaabay " Ma Garanayo
Balaaya Ku dhacdayga"
Markii ninkii fadhiistay ayaa cod baahiyaha loo dhiibay nin kale oo Ku xigay beel ahaans kasoo jeeda (Arab) deedna ninkii ayaa si fiican oo wanagsan ama muxaafidnimo ah u hadlay oo dawlada wanaag iyo wacnaan Ku sheegay una Soo jeediyay wixii uu u arkayay saxnaan
Isla odaygii Xaaji Cabdi Waraabe la fadhiyay ayaa yidhi waar
Ninkani Waa Ayo (Qoloma) ?
Deedna Xaaji Cabdi Waraaba yidhi Adeerbaan u ahay
Markii madasha Laga baxay ayaa guux bilaabmay oo ninkii la isku sheegay oo la yidhi dee waa reer hebel deedna odaygii Xaajiga waydiinayay Ragga ayaa Ku yidhi oo xaaji sawtaad kii hore (Ciidagale) I tidhi ma garanayo kan dambe Arabna aad I tidhi adeerbaan u ahay
Deedna Xaajiga oo lawada maqlayo ayaa yidhi ANIGU WAXAAN ADEER U AHAY NINKII DALKA IYO DADKA DHAWRAYA!!!
Waxa halkaa ka muuqata in Xaaji Cabdi Waraabe uu ahaa Nin Wayn oo dalka iyo dadka jecel, ciduu xigsanayana Ku xigsada dawladnimada
Illaahay waxaan uga baryayaa inuu xanuunka Caafimaad ugu
badalo cidhiidhiga iyo culayskana ka dul qaado
Aamiin aamiin insha allah
Waxa Qoray:-
MuqtarQofalBadhabadhe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!