Doonimayn Dagaale,Duul Baasbana Qasbaayo,Dalku Khaati Ka Joogo.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Dadkaan Meelba Lahayni,Cidnabaw Damqanmayo,
Danayn Maayo Wanaago,Duminta La Hagaagsan.
2-Dawana Loo Heli Waayoo,Hortaaba Lagu Daalay,
Duqoodii Derdernaba,Durbaan Baas U Garaacay.
3-Dawladaan Meelnaba Oolin,Dayaxawgu Tilmamay,
Dagaalbu Ugu Baaqay, Danayna Wuu U Saxeexay.
4-Xamarna Way Ku Digteen,Fiqi Bays Dabaraacshay,
Dadkoodii Bay Qixiyeen,Magaaladoodii Dumiyeen.
5-Dani Waa Kama Rayse,Kamanay Daalin Haddeerno,
Daraado U Danbaysay,Ceerigaabay Dab Sudheen.
6-Dooranow Waad Aragtaa,Dadaalkaad Wadateen,
Danbaabidhay Ku Dhuften,Maxa Kaga Diyaarsan.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!