"Aynnu u Midawno Ilaalinta Midnimada Shacabkeenna JSL Qore: Maxamed C/kariim Axmed Shiil

0
Thursday November 28, 2024 - 16:46:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Aynnu u Midawno Ilaalinta Midnimada Shacabkeenna JSL Qore: Maxamed C/kariim Axmed Shiil

    In uu dadkiisa ku mideeyo jacayl waddaniyadeed iyo dareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In uu dadkiisa ku mideeyo jacayl waddaniyadeed iyo dareen


 

Mudaneyaal iyo marwooyin, qaran horumarkiisa waxa sees u ah nidaam dawladeed oo ku suntan maamul-wanaag, talo-wadaag, sinaan iyo caddaalad, ku dhaqan iyo sarrayn sharci, hufnaan, daahfurnaan, iyo isla xisaabtan; dhawrista xorriyadaha iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dastuurku u dammaanad qaaday muwaadiniinta JSL, si loo sugo ammaanka, loo xoojiyo wadajirka, loo kobciyo dhaqaalaha, loo horumariyo bulshada, loo adkeeyo dimuqraadiyadda; loogana mid noqdo dalalka caalamka ee la aqoonsan yahay.

 

Nidaamkaas dawladeed mas’uuliyadihiisa u waawayn waxa ka mida:

 

In dadkiisa uu ka daafaco duullaan dibadeed oo dibadda kaga yimaadda iyo dibindaabyo gudeed oo gudaha laga maleego.

In ammaanada uu mas’uulka uga yahay dadkiisa ee ku saabsiisan wadaagista awoodda iyo manfaca dhaqan-dhaqaale ee dalka uu si siman oo dheelitiran oo caddaalad ku dhisan uu ugu kala garsooro muwaadiniinta JSL.

In uu dadkiisa ku mideeyo jacayl waddaniyadeed iyo dareen wax wada lahaaneed.

Taasi waa sida qudha ee qaran loo wada yeelan karo, loo ahaan karo ul iyo diirkeed; loona heli karo qaran la wada leeyahay.

 

Haddaba, haddii helitaanka qaran la wada leeyahay ay lama huraan u tahay sugnaanshaha amniga qaranka, adkaanshaha wadajirka bulshada iyo isku-hayntooda, in markaas dareen wax wada lahaaneed bulshada lagu abuuro oo kalsoonidooda la kasbadaa waxay horseed u noqon kartaa, in si daahfuran oo istaraatiji ah loo gaadhi karo qayb ka mida higsiga fog oo ah: "Somaliland Deggan oo Midaysan.”

 

Sidaas awgeed, helitaanka ay tahay in la helo qaran la wada leeyahay waa qiyam marka 1aad, oo waa higsi marka 2aad, oo waa hadaf cad marka 3aad, hadafkaas ayaana gaadhistiisu ay ku xidhan tahay hadba inta aynnu dhexdeenna isu-caddaalad samaynno; waana hilinka loo marayo xaqiijinta iyo ka midho-dhalinta higsiga fog ee dawladda cusub ee Somaliland oo ah:

 

"Somaliland Deggan oo Midaysan, Aqoonsi Leh, Dimuqraadi Ah, Barwaaqo Ah; Dadkeeduna Ay Ku Naaloonayaan Nolol Wanaagsan.”

 

Walaalayaal, maanta rejada shacabka Somaliland waa isbedal khayr qaba, isbedalkaas natiijada laga filayaanna waa saddex arrimood: Isku-duubni, Aqoonsi iyo Horumar waara. Wadajirkeenna barakadiisu waxa ay ku jirtaa—walaalayaal—isu-caddaalad samaynteenna, isu-samafalkeenna, isku-tashigeenna, is-xilqaankeenna, is-maqalkeenna, is-qadarinteenna iyo hadba sida aynu isaga xil saarno inaan danta guud murgacan, si higsiga fog ee qarankeenna loo gaadho.

 

Waxaynu Doonaynaa Walaalayaal, Dawlad shacabku leeyahay oo dimuqraadi ah, dawlad shacabka rabitaankiisa ku shaqaynaysa oo dadkeeda caddaalad ugu kala garsooraysa, dawlad hadafkeeda u wayni yahay ilaalinta qarannimada, dhawrista xuquuqaha aasaasiga ah, sharafta iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Somaliland; iyo sida oo kale, sugidda amniga, xoojinta wadajirka gudaha iyo xidhiidhada dibadda. Sidaas daraadeed, si rejada shacabku ay u rumawdo; midhaha isbeddalkaasna loo goosto, aynu u midawno—walaalayaal—ilaalinta midnimadeenna, isku-duubnideenna iyo wadajirkeenna. Mahadsanidin.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...