Maxkamadda Gobolk Banaadir Oo Soo Saartay Amar Lagusoo Xidhayo Axmed Madoobe
Maxkamadda Gobolk
Banaadir ayaa soo saartay amar lagusoo xirayo madaxweynaha dib loo doortay ee
Jubaland Axmed Maxamed Islaan .
Qoraalka waaranka ah ee
kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay maxakammaddu
aqbashay codsi kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka , sidaasi
daraadeedna ay maxakamaddu fareyso Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ay
warqaddani sida tooska ah ugu socoto baa la yiri, waa in aad soo qabataa isla
markaana aad hor keentid Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeeysane Axmed Maxamed
Islaan ( Axmed Madoobe ).
Qoraalka Maxkamada ayaa
ayaa wax kale oo lagu xxusay in Axmed Madoobe uu ku kacay faldambiyeedyo lid ku
ah Wadajirka iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed , khiyaano Qaran iyo fal
dambiyeed lid ku ah xog lala wadaagay dal shisheeye sidoo kalena u uku kacay
faldambiyeed lid ku ah Nidaamka iyo Dastuurka dalka .
Lama oga sida u uku
dhaqan galayo amarka maxkamadeed iyadoo Axmed madoobe uusan ku sugneyn Muqdisho
lagana yaabin in uu yimaado inta uu jiro khilaafka isaga iyo Dowladda u
dhaxeeyo.
Dhanka kale Axmed
Madoobe iyo maamulka Jubaland ayaan weli wax war ah kasoo saarin amarkan
maxkamadeed.
BBC