Afku Wuxu La Xoog Yahay Magliga Xawda Kaa Jara. (Af-Ku Dhiiglayasha Qaranimada Dhaawacaya Xadhig Iyo Mustaafur Baa Ku Waajjibay)

0
Saturday July 20, 2019 - 14:20:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afku Wuxu La Xoog Yahay Magliga Xawda Kaa Jara. (Af-Ku Dhiiglayasha Qaranimada Dhaawacaya Xadhig Iyo Mustaafur Baa Ku Waajjibay)

    Qalinkii: Rasheed Ali Meigag Samater

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Rasheed Ali Meigag Samater Waxaynu Joognaa Waqti U Dhigma 1988kii Markii Cadawgu Isku-Kaalmaysteen In La Tirtiro Xarakaddii Xoraynta Somaliland, Maantana Xoog Milatari Baanay Haysanne Tabtii Waagaas Oo Kale Ayaa Dagaal Dhinacyo Badan Leh Laynagu Soo Qaaday, Kaaso Ah Mid Bulsho, Dhaqaale Iyo Siyaasadeedba.



Waa Waqti Cid Kasta Oo Qaranimada Ummaddan Duullimaad Ku Ah, Ama Isku Dayda Xagal-Daacinta Geeddi Socodka Qaranka Somaliland Ee Dhibta, Dhiigga Iyo Tacabkaba Loo Soo Maray – Ay Wadajir Waajib Inagu Tahay In Dhiigdhirbaaxo Aanu Ka Soo Kicin Lagu Dhufto.


Haddaba Xukuumaddu Illaa Goorma Ayay Ka Dul-Qaadanaysaa Sida War-Baahinta Shacabkeenna Mar Walba U Soo Bandhiga Quruxda Dhabdhabka Ah Ee Cadawgeenna - Iyagana U Tebiya Cayda Iyo Gaabiska Qarankeena Oo La Naaxnaaxiyay, Ama Dad Shaki La’aan Loo Soo Igmaday Wax-Yeellada Qarankan S/Land?.. Shacab Ahaan, Muddo Dheer Dabadeed - Dulqaadkii Iyo U Samirkii Af-Ku-Dhiiglayaashaasi Wuu Naga Dhammaday Xataa Haddii Qaarkood Waqtiyo Hore Bulshada Dhexdeeda Magac Ku Lahaan Jireen.


Dad Baa Jira Somaliland Sheeganaya Dalkana Ku Nool Oo Caadaystay Inay Toos Ugu Adeegaan Danaha Cadawga Iyagoo Tabasho, Mucaaradnimo Iyo Weliba Hay’do Dastuuri Ah Gabbood Ka Dhiganaya, Runtuse Tahay Inay Wakiillo U Yihiin Cadawga Somaliland, Marwalbana Ku Foogan Yihiin Kala- Hagardaamada, Kala Qaybinta Qaawinta, Ceebaynta Iyo Inay Dhiriq Ku Saydhaan Guud Ahaanba Dadka, Dalka Iyo Madaxda Somaliland.


Waxa Iyaguna Soo Badanaya Shakhsiyaadka Adduun Lacageed Oo Baaxad Leh Ka Qaata Muqdisho Iyo Maal Ay Bixiso Dawladda Qadar (Gude Iyo Dibedbana Jooga) Loona Igmaday Cayda, Niyad-Jebinta Iyo U Gacan-Haadinta Dhallinta Somaliland Habeen Iyo Dharaarna Ku Foogan In Goonni Isu Taagga S/Land Ku Dambayso Mid Dhicisowday.


Ciddii Somaliland Cadaw Ku Ihi - Beelaha Walaalaha Ah Ee Somaliland Oo Dhan Waa U Cadaw, Sidaa Darteed Midnimo Iyo Isku-Duubni Hala Ogaado. Beel Kastoo Uu Ka Dhashayna - Cadawgu Reer Ma Leh, Xukuumaddana Dadka Noocaas Ah Oo Aboolkooda La Mariyo Ayaa Looga Fadhiyaa.

Wa Billahi Tawfiiq

Rasheed Ali Meigag Samater

Hoggaamiyaha Jaaliyaddaha Somalida

W.London

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...