Is-Bedel Doon : Maxay Kaaga Dhigantahay Madaxweynaha Dooranoow ?

0
Wednesday November 27, 2024 - 08:29:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-Bedel Doon : Maxay Kaaga Dhigantahay Madaxweynaha Dooranoow ?

    Mudane, Decembertan dhaw waxaad cagta saaraysaa kuuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane, Decembertan dhaw waxaad cagta saaraysaa kuuna

Hamblyo madaxwaynaha dooranoow,doorashada laguu doortay inaad noqoto Madaxweynaha xiga ee Somaliland. Markaad guda gasho doorkan weyn,waa kan ugu sareeya talada dalka e, waxaanu, shacab ahaan, rajaynaynaa inaad Soo kordhiso fikrado horumarineed, yididiilooyin ka muuqato rajada shacabku, iyo hawl karnimo hogaamineed oo lagu baxsan karo wakhtiyadan adag.

Inta aad isu diyaarinayso in aad xilka la wareegto, haddii aanu nahay shacabka waxa aanu u dhagtaagaynaa amaba aan naawilaynaa alkumida xukuumad cusub oo tahli karta ka rumaynta rabitaanka bulshada reer Somaliland. Tani waa marxalad udub dhexaad u ah taariikhda qarankeena, taas oo hogaamintaadu qaabayn doonto mustaqbalka jiilasha soo socda. Waxaan taaganahay isgoysyada fursada iyo loolanka, iyadoo qalbiyadeenna ay rajo ka buuxaan, shacabkuna sugayaan dhaqdhaqaagaaga maamul tayaysan iyo dawlad-dhiskaaga mar dhaw.

Mudane, Decembertan dhaw waxaad cagta saaraysaa kuuna bilaabmaya socdaal sumado badan leh, mudo toban sano iyo dheeraad ah na aad sugaysay, isu seegteen cidksata oo aad u arkaysay inay baajinayaan safarkaagaa, waa mid ay ka buuxaan fursado iyo caqabado labadaba, balse hadii aad dadaasho ilaahayna kula garab galo waa dariiq ummaddeenna u horseedi kara badhaadhe, midnimo iyo horumar ballaaran. Xaaladaha adag ee dalku soomaray,Filimaayo in laguugu wareejin doono khasnado maaliyadeed oo buuxa waxase aan hubaa inlagugu wareejinayo nidaam maaliyadeed oo dhamaystiran sida aad ugu shaqaysaana adiga iyo xulashadaada hadba sidaad usoo dooroto masuulkaaga ugu sareeya wasaarada Maaliyada.Qori isu dhiibka kursiga sare, waxaad laguugu wareejin doonaa si taariikiya oo ayaankeega iyo alalaskeedu is barkanyihiin.

Madaxwaynaha dooranoow, sidaad qudbadaadii koowadba ku tidhi, Doorkaaga madaxweynanimo maaha mid xil weyn iska saaraya kaliya kuwa ku codeeyey, balse waa mid u adeegaya qof kasta oo muwaadin ah, iyadoon loo eegayn siyaasadda uu aaminsan yahay iyo halka uu ka soo jeedo. Damaashaadna kuuma yaalo oo waxaad tahay madaxweyne xili adag maraya sobobtu tahay, Caqabadaha kuhoryaala waa kuwo adag,ha ahaato dhinacyada xasiloonida dhaqaalaha, cadaalada bulshada, amniga dalka, ama diblomaasiyadda caalamiga ah ba.

Madaxwaynahan La doortayoow,Waxaan isleeyahay toobiyaha aad haysaa ama ba ku socota maaha mid si sahlan looga dabaalan karo. Waxaa jiri doona waqtiyo hubaal la'aan ah, go'aamo adag, iyo dib u dhacyo lama huraan ah. Masuuliyada kusaarani waa inaad u wajihi doonto caqabad kasta adigoo dareemaya xilkasnimo, damqasho, iyo daacadnimo, hubinta in qiyamka cadaalada iyo sinaantu ay hagaan ficiladaada.Waxaa lagaa sugayaa yagleelka bulsho ku midaysan qiyam ay wadaagaan oo kudhisan xorriyad, sinnaan, iyo raadinta mustaqbal wanaagsan oo dhammaanteen ah.

Mudanaha Boqolayda Badan lagu doortayoow, waxaa kula gudboon kashaqaynta Midnimada iyo Isku duubnida Xilligan oo aad mooddo in kala qaybsanaantu sii fogaanayso, hoggaankaagu waxa uu noqon doonaa mid muhiim u ah kobcinta midnimada. Waxaa lama huraan ah in aad isku wado dhammaan daneeyayaasha siyaasadaada, aanad dhageysto codadkooda kala duwan.Berito waxa kaliya ee kuu marag kacayaa waa sidaad u dhisto buundooyinka isku xidha dhinacyada siyaasadda, bulshada, iyo dhaqaalaha oo fure u noqon doonaan bogsashada nabarada damqanayaiyo in lajabiyo dabarada horumarka Dalka hortaagan.

Markale, waxaa lagaa rabaa Sinaanta Dhaqaalaha Farqiga u dhexeeya maalqabeenka iyo saboolka oo mudooyinkan danbe sii kordhaaya cidina aanay hadal qaadin. Waa lama huraan in la hirgeliyo siyaasado kor u qaadaya sinnaanta dhaqaalaha oo fursad siiya dhammaan qaybaha bulshada reer soomaliland. Tan waxaa ka mid ah taageeridda ganacsiyada yaryar, kordhinta helitaanka waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka, iyo hubinta mushahar caddaalad ah ee shaqaalaha. Dhaqaalaha kobcaya waa in uu faa'iido u leeyahay qof walba, maaha kaliya in yar oo ganacsato naaxday ah. Boqolkaaga cisho ee u horeeya, waxaad mudnaanta siisaa Soo afjarida sixirbararka xadhkaha goostay oon is leeyahay waa hal-xidhaalaha koowaad ee dawladaada cusub horyaala.

Haa waad ku dhiiran kartaa, Helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh waana xuquuq aasaasi ah. Markaad xafiiska la wareegto, waxaan kugu boorinaynaa inaad ka shaqeyso nidaam daryeel caafimaad oo la heli karo, la awoodi karo, lagaga maarmi karo safarada caafimaad ee dibada loo tagayo loogana baaqsami Karo kharashaadka adag ee muwaadiniintu ku bixiyaan safaradaa caafimaad. Waanad suuro gelin kartaa adoo la tashanayaa mihnadlayaasha caafimaadka gaar ahaan kuwa dheeriga u haysta inay Soo kaxaystaan dhakhaatiir ajaanib ah.

Adduunka maantu waa mid isku xidhan, iskaashiga caalamiga ahna waa laf dhabarta dawladaada cusub si ka muhiimsan sidii hore. Wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah sida masiibooyinka, isbeddelka cimilada, iyo khataraha amniga waxay u baahan tahay in lala kaashado ummadaha kale haba noqoto dawladaha jaarka ee qaarkood dhawaanahan aynu kala irdhawnaye. Hoggaamintaada marka la joogo wada shaqaynta bulshada caalamkawaxay kobcin kartaa iskaashiga kor u qaadaya nabadda iyo barwaaqada. Markaad safarkan guda gasho, xasuusnoow inaadan ahayn hogaamiye kaliya ee aad tahay adeege dadka u adeega. Go’aamadaadu waxay qaabayn doonaan mustaqbalka ummaddeenna, waxaanan kaa rajaynayaa inaad doorkaaga u wajahdo si damqasho, hufnaan, iyo daacadnimo ku dheehan tahay danta guud marka ay taagantahay. Isdiidooyinka wadamada jaarka yay dawladaada kala kulminkartaa cadaadis syaasadeed, gaar ahaan heshiiskii is-af-garad ee dhawaan dhexmaray dawlada itoobiya iyo Somaliland. Heshiiskaasi waxaad kaga bogan kartaa dib-u- eegis adoo hawl galinaya khubaro ku xeel dheer heshiisyada caalamiga ah.

Hawlaha ku horyaala , waxaa mudnaan iska leh Xoojinta Dimuqraadiyadda.Hufnaanta geeddi-socodyada dimuqraadiyadu waa muhiim Dalkeenana waxa mar walba sigaara Isha loogu hayaa mudaynta Doorashooyinka. Waa lama huraan in la ilaaliyo xuquuqda cod bixinta, la xaqiijiyo doorashooyin cadaalad ah, iyo la dagaalanka macluumaadka khaldan. Daah-furnaanta iyo la-xisaabtanka xukuumadda waxay gacan ka geysan doontaa soo celinta kalsoonida muwaadiniinta waxayna xoojin doontaa dimuqraadiyadeena. Ma noqon doontaa madaxweynihii u horeeyay ee sadqeeya mudo-korodhka xukuumadaha? Doorashooyinka inoo qorshaysan xiligoodii ma ku qaban kartaa? Gebi ahaanba waad kartaa, hadaad sidaa yeeshana waxay kuugu jiri doontaa diiwaankaaga wax-qabad ee mudo xilleedkaaga hadeer kuu bilaabmi doona.

Guntii iyo gebo-gabadii, Madaxweynaha Dooranoow ha iloobin hal-hayskii dadku kuugu ololeeyeen kuguna Soo doorteen ee ahaa" is-bedel doon". Inta caadifadaysan ka digtoonow, tixgeli oo ha iska fogeyn abaalay tirsanayaane, waxa ugu yar ee tartaana ha noqoto Ogsoonaanta Abaal Bur iyo Dheeraad ah. Maalgaliyayaasha siyaasadaadu waa ma huraan waxaanad ugu baahantahay si ka culus sidii aad ugu heelanayd kalkii aad kursiga sare raadinaysay. Maantoo kalana waxaad uga baahantahay inay si miyirqabta oo wadani-nimo leh kuu garab istaagaan kula na dhisaan qarankan hagardaamooyinka la dariska ah. Iskuwada duuboo, daldhiskaaga waxa runta ka sheegi Kara kuwa kaasoo horjeeda si kabadan kuwa ku garab jooga sidaa darteed waxa kula gudboon inaad dhagta u raariciso jaaleyaasha dhaliishaada oo qudha arkaya taasaan is leeyahay waa ta ku dhaxalsiin doonta fulinta balan-qaadyo Badan ood samaysay xiligii ollolaha aad ugu jirtay Kursigan Madaxweynaha ee In laguu dhaariyo aad sugayso badhtamaha bisha Soo socota.

 

Ibrahim Said

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...