Horusocodka Geediga, Hayaan Baad Gelaysa,Hubso Meeshaad Furayso,Ha Halmaamin Wacadkana.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Hor Ilaahay Aamine,Hungoobi Mayso Daacadi,
Hantidaynu Leenahay,Haynteena Ku Ekaadoo.
2-Hanqaltaag Ha Noqono,Hankayanu Kula Tegin,
Hunguraan Wax Boobiyo,Iska Ilaali Hororada.
3-Haweenka Dhaqaalaha,Ku Haboone Wax U Diro,
Iyagaan Hanan Karayee,Halbawlaha Ku Aamina.
4-Hore Dar Loo Tijaabshiyo,Hagradah Ha Dirano,
Halganki Muu Dhamaanine,Halyayada Ogsonow.
5-Hayn Yaraani Ceeb Maha Hoos U Eega Cabashada,
Habruhu Haku Danbeeyeen,Hareera Ka Fuuryeel.
6-Hooyoyinkii Goblamaye Halyeyadooadi Laga Dilay,
Agoomahaiina Haysteen,Hooyay Iyo Daryeel Qabin.
7-Haqab Tirid Warkeed Daayo,Intaw Hagar Baxaysaan,
Hodan Gaadhi Maysaan,Helimayn Mayno Qaran Dhaba.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Aqoonsigay Hortjoogaan,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!