Gobolka Banaadir Oo Mamnuucay Gabdhaha Mootooyinka Raaca.
Maamulka gobolka
Banaadir ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya laga mamnuucay magaalada
caasimadda ah ee Muqdisho isticmaalka in haweenka gadaal ka raacaan
mootooyinka.
Duqa magaalada
Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa meel fagaare ah oo uu ka qeyb-galay isku
soo bax lagu taageerayay xeerarkii doorashooyinka u sheegay dadweynaha in
haweenka aysan mootoyinka gadaal ka fuuli karin.
"Waxaan hortiina ku
mamnuuceynaa maanta gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceyso, hadii
la arko gabadhana waa xarig mootadana waa lala wareegayaa”.
Duqa Muqdisho wuxuu
sidoo kale sheegay in ay la dagaallamayaan dad uu ku tilmaamay in ay wdaan
howlo aan sax aheyn.
"Kuwa dhahaya amniga
Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidka fasaadka keenayo, kuwaasna waa mamnuuc”
Wuxuu kaloo u digay
sida uu sheegay telefishinada qaarkood, isagoo ku eedeeyay in ay maalgelinayaan
howlahaas.
Ma ahan markii ugu
horeysay oo gobolka Banaadir soo saaro amar lagu mamnuucayo waxyaabo ay
isticmaalaan dadka Muqdisho, hore ayuu gobolka u mamnuucay isticmaalka
shiishada iyo Taanbuuga.
BBC.