Jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Seattle Washington oo u debaal-degaya Madaxweynaha la-doortey

0
Tuesday November 26, 2024 - 19:11:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Seattle Washington oo u debaal-degaya Madaxweynaha la-doortey

    Hase ahaatee, jaaliyaddaha Somaliland ku dhaqan wadamada caalamka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hase ahaatee, jaaliyaddaha Somaliland ku dhaqan wadamada caalamka,



Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gobolka Seattle Washington ee dalka Mareykanka, ayaa shaaciyay inay qaban doonaan munaasibad ay ugu debaal-degayaan Madaxweynaha cusub ee la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi.

Jaaliyadda Somaliland ee gobolka Seattle Washington, ayaa sheegay inay Xafladda ay ugu debaal-degayaan Madaxweynaha cusub ee Somaliland iyo ku xigeenkiisa ay qabanayaan 29 bishan November 2024.

 

Sida uu sheegay Guddoomiyaha xisbul xakimka talada dalka Somaliland la wareegay ee Waddani ee gobolka Seattle Washington, Axmed Suleebaan Lababaale.

Guddoomiyaha xisbul xaakimka Waddani Axmed Saleebaan Lababaale, ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin oo ay ku jiraan qaban qaabada xafladda.

Waxaa uu sidoo kale xusay in xaflada ay casuumayaan dhamaan jaaliyaddaha Somaliland ee degan gobolka Seattle ee Washington iyo nawaaxigiisa.

Hase ahaatee, jaaliyaddaha Somaliland ku dhaqan wadamada caalamka, ayaa qabtay munaasibado waa weyn oo ay ugu debaal-degayaan Madaxweynaha cusub ee la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, iyadoona jaaliyaddaha qaarkood ay wadaan abaabulka munaasibadaha debaal-degaya.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...