Warqad Furan: Talo iyo Tusaale Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Dr. Abdirhaman, 2024.

0
Tuesday November 26, 2024 - 13:06:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Furan: Talo iyo Tusaale Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Dr. Abdirhaman, 2024.

    Dhaqaalaha; Madaxweyne, waxaan ku talinayaa in dakhliga dawlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaalaha; Madaxweyne, waxaan ku talinayaa in dakhliga dawlada
Mudane Madaxweyne,

Marka hore, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliland dhalashada dawladda cusub, madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dr. Abdirahman Mohamed iyo Madaxweyne ku-xigeenkaaga Amb. Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cali. Sidoo kale waxaan hambalyo iyo amaan u dirayaa Madaxweynaha xilka ka-dagaya Md. Madaxweyne Muse Biix Cabdi iyo dowladiisa oo suuragaliyey inay qabsoonto doorasho si amni ah u dhacday oo soo jiidatay indhaha caalamka iyo dalalka dariskaba.


Waxaad tahay qof xog ogaal ah oo aan u baahnayn in looga waramo sooyaalka iyo taariikhda dalka Somaliland, wixii la soo maray, xaalada manta, halka loo socdo iyo guud ahaan khataraha ku hareeraysan dalka iyo gaar ahaan siyaasadiisa oo ay ugu horeeyaan duruufaha dhaqaale, walaalaynta shacabka reer Somaliland, amniga, caafimaadka, tacliinta, garsoorka, u diyaar garawga dooroshooyin xiligooda qabsooma iyo xakamaynta ajaanibta.

Haddaba, waxaan halkaan kusoo koobayaa dhowr arrimood (key issues that need to be addressed) oo aan kugula talinayo inaad xooga saartid si dowladaadu u guulaysato, dalku u xasilo maamulkuna u wacnaado;
Inaad isku keento koox dawlad yaqaan ah (MERITOCRACY) oo leh khibrad iyo awood kana soo bixi kara hawlaha dawladnimo ee loo igmaday.

Bisha ugu horeeysa waa in xafiis waliba kuu soo gudbiyaa qorsho hawleedkiisa (Strategic Plan).
10-ka mishkiladood ee Caalamka ugu Sareeya ee ay tahay inaan wax ka qabanno (Top 10 Current Global Issues We Must Address; Saboolnimda iyo gaajada, Isbadalka cimilada, Cunta yarida, u diyaargarowga iyo ka jawaab celinta masiiboyinka mustaqbalka (Future pandemic preparation and response) la tacaalida xanuunada dhimirka, xuquuqda caruurteena iyo haweenkeena, la dagaalanka musuq maasuqa, xoriyada saxaafada marka ay ka hadlayaan xaqiiqo jirta, wada shaqaynta wadamada jaarka, caalamka iyo hayadaha caalamiga ah.

Dhaqaalaha; Madaxweyne, waxaan ku talinayaa in dakhliga dawlada kor loo qaado sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo cashuuraha dalka wax soo saarka iyo sakooyinka. Arrimaha xasaasiga ah waxaa ka mid ah kharashaad aan muhiim ahayn oo dowladu isticmaasho iyo musuqmaasuqa oo noqday wax iska caadi ah oo Hay’adaha dawladu dhiigoodu la shaqeeya. Si ay dawladu isku kabto waxaan ku talinayaa in arrintaan il-gaara lagu eego. Intaas kuma koobna ee waxaa lagaa sugayaa dhiirigalinta maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Adeegyada Bulshada; Mudane Madaxwayne Ma jirto Magaalo adeegeedu ku filanyihiin ma jirto magaalo xoogeedu coronto ku filanyahay, wadooyinka, nadaafad qaadka , tacliinta, cafimaadka, gadiidka dadwaynaha wixii umada la galin lahaa oo markii horeba yaraa oo hore loo sii musuqay. Baadiyuhuna haba yaratee ma haystaan adeeg bulsho.

Amniga Inaad dib-u-eegis deg deg ah ku samaysid hay’adaha Amniga Somaliland, ciidamada dalkana loo diyaariyo hanaan ciidan oo caaqibo leh, kuwaas oo ka madaxbanaan siyaasadda iyo qabiilka labadaba. Ciidanka Nabad-sugida in dib boorka laga jafo, la tayeeyo, laguna qalabeeyo qalab la jaan qaadi kara technology-yada casriga ah.

Arrimaha SOOL: Waxaan ku talinayaa in dawladu ay xil gaar ah iska saarto sugida soohdimaha dastuuriga ee qarankeena Somaliland. Wixii arrimo farsamo waxaan rumaysanahay in dawladu la kaashato cuqaasha gobolka, Culimada, Aqoonyahanka, Ganacsatada reer SOOL iyo Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Gobolkaas ka soo jeeda.

Geedi socodka siyaasada (Political Process) mudane madaxwayne inaad ka sii diyaar garawdo dib u dhac ku yimaada geedi socodka dooroshoyinka; golaha guurtuda, golaha baarlamaanka, deegaanka iyo madaxtooyda.
Mudane madaxweyn balanqaad kasta oo aad u samaysay gobol, degmo iyo tuulo oo ku salaysan waxqabad bulshadu ka wada faa’idaysanayso fadlan u rumee balankii aad qaaday.

Mudane madaxwayne la tasho dadka khibrada iyo garashada saxiibka u ah, culimada dalkeena iskugu yeedh sanadkii 1 mar si ay inoogu duceeyaan aduun iyo aakhiro wanagsan.

Tacliinta; mudane madaxwayne ku dadaal in dadkeenu 90% wax qori karaan waxna akhrin karaan, Illayska cilimigana arki karaan. Aqoon darada iyo jaahilnimada la dabar gooyo. Dhalintana loo abuuro xirfado lagu shaqo galo.

Mudane madaxwayne shaqo culus ayaa ku sugaysa. Qodobada aanan ka hadlin macnuhu maahan in dawladu gacmaha ka laabato.

Madaxwaynaha iyo shacabkba way mahadsanyihiin
Hamse Maal
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...