Madaxwaynihii Hore Ee Koonfur Africa Oo Muqdisho Yimid

0
Saturday July 20, 2019 - 13:37:00 in News by
  • Visits: 2510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynihii Hore Ee Koonfur Africa Oo Muqdisho Yimid

    Madaxwaynihii Hore Ee Koonfur Africa Oo Muqdisho Yimid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynihii Hore Ee Koonfur Africa Oo Muqdisho Yimid


Muqdisho(HWN)GudI sare oo ka socda ururka Midowga Afrika ayaa Saaka soo gaadhay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.




Guddida waxaa hoggaaminaya, madaxweynihii hore ee Koofur Afrika ,Thabu Mbeki , waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad iyo wasiirro kale oo xukuumadda ka tirsan.


Ujeeddada booqashada ay wafdigan ku soo gaadheen magaalada Muqdisho wali ma cadda, balse wararka laga helayo ayaa sheegaya inay kullamo la qaadan doonaan madaxda sare ee dowladda federaalka.



Wafdigan ayaa shalay kullamo ku soo qaatay magaalada Nairobi, halkaas oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.


Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa qoraal ay ku baahisay twitterka , waxaa lagu sheegay in Thabu Mbeki iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen arrimaha nabadda, xasilloonida, is dhex galka iyo iskaashiga gobolka geeska Afrika, arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.


Loading...
Loading...