"Xoghaye Siciid Nuur Jaamac Masuulka kaliya ee aan ka qayb qaadan Ololihii Xukuumadda Kulmiye"

0
Monday November 25, 2024 - 18:54:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xoghaye Siciid Nuur Jaamac Masuulka kaliya ee aan ka qayb qaadan Ololihii Xukuumadda Kulmiye"

    Tiraba dhawr jeer oo ay xafaladdo soo dhawayn ah u samayeem..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiraba dhawr jeer oo ay xafaladdo soo dhawayn ah u samayeem..
May be an image of 1 person, beard, dais and text


Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee hargeysa oo ah masuul ka yimaadda dhanka xukuumadda oo ay magacaabistiisa leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudda Somaliland waxa uu ahaa masuulka kaliya ee aan lagu arag fagaareyaashi Ololaha ee xisbiga Kulmiye.

Tiraba dhawr jeer oo ay xafaladdo soo dhawayn ah u samayeem masuuliyiinta xisbiga kulmiye taageereyaal ka soo jeedda deegaankiisa Xoghayuhu ma noqon mid ka soo muuqda madalahaasi.
Intii Ololuhu socda Xafiiska Xoghayaha waxaa ka soo baxayey Digniino uu shaqaalaha Dawladda hoose uga digayey in ay ku dhex milmaan siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.
Taa beddelkeeda Xoghayuhu wuxuu shaqaalaha ku adkaynayey in ay shacabka u hagar baxaan oo aanay qayb ka noqon Ololaha.

Booska Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose oo lagu yaqaanay Guur-guur, Muran, Khilaaf joogto ah oo dhan DHH dhexeeeda ah iyo Culays kaga yimaadda hadba masuulki jooga dadka deegaankiisa ayaa noqday mid xasila oo reer hargeysi ka marag kaceen in uu hantay masuul dadku u simman yihiin oo qayb weyn ka qaatay hanaan shaqo socod siin ee DHH.

Xoghayaha ayaa si weyn loogu xasuusta in uu tiroba dhawr jeer ka Odayeeyey khilaaf soo kala dhex gallay Maayirka iyo ku xigeenkiisa kaasi oo dhexda u xidhay si aanu khilaafkaasi u noqon mid ragaadiya shaqadda Dawladda hoose.

Siciid marka laga yimaado shaqadiisa waa Shaqsi ay si weyn u jecel yihiin shaqaalaha DHH kuwaasi oo ku sifeeyey in uu yahay Guurti, Gur-gurshaa hawlkar ah, Mahdi xaga Rabbi looga soo diray DHH.

Waxaa Qorey Eng. Mursal Muuse Yuusuf

Loading...
Loading...