Mayotte: Maxay tahay jasiiradda Muslimiintu u badan tahay ee la sheegay in Soomaalidii badda ku geeriyootay ay u socdeen?

0
Monday November 25, 2024 - 09:55:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mayotte: Maxay tahay jasiiradda Muslimiintu u badan tahay ee la sheegay in Soomaalidii badda ku geeriyootay ay u socdeen?

    Xeebaha dalkaas ee shilku ka dhacay ayaa muddo laga joogo saddax bilood...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeebaha dalkaas ee shilku ka dhacay ayaa muddo laga joogo saddax bilood...


Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen dad u badnaa Soomaali ay ku dageen xeebaha Madagascar, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.


 

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay socdaan dadaallo lagu xaqiijinayo in dadkii badbaaday si nabad ah dalka dib loogu soo celiyo.

 

Labada doonyood ee ku qaraqmay xeebaha Madagascar ayaa la sheegay inay la socdeen dad gaaraya 70 qofood.

 

Sabtidii ayaa laga helay meel ka baxsan xeebta waqooyi ee Madagascar kana tirsan Badweynta Hindiya, wararka ayaana sheegaya in cillad dhanka matoorka ah ay ku timid doonyahaan.

 

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadaan, mid kamid ah saraakiisha dowladda ee warbaahinta gudaha la hadlay waxa uu sheegay in dadka badbaaday ay soo badbaadiyeen kalluumeysato.

 

Dadka badbaaday ayaa sheegay inay isku dayayeen in ay gaaraan Jasiiradda Mayotte oo laga xukumo dalka Faransiiska, oo ah waddo ay adeegsadaan tahriibayaasha taas oo lagu tilmaamay mid halis ah.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Madagascar ay dowladda Soomaaliya ku soo wargalisay inay jiraan dhimashada muhaajiriin Soomaaliyeed kuwaas oo ay doomo labo ah kula qallibmeen xeebaha dalkaas.

 

"Dowladda Madagascar ayaa nagu soo wargalisay in labo doomood oo mid kamid ah ay saarnaayeen 38 qof, tan kalena ay saarnaayeen 32 qof kuwaas oo u badan Soomaali ay ku qallibmeen xeebaha dalkaas, waxaana ku dhintay 24 qof," ayuu yiri wasiir Fiqi.

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda ay waddo dadaallo lagu samatabixinayo kuwa badbaaday, oo halkaasna loo diray mas'uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliy.

 

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa'uud Aweys oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii dadka soo badbaaday loo samatabixin lahaa isla markaana maydadka kuwa dhintay ay ka shaqaynayaan sidii ay dalka ugu soo celin lahaayeen.

 

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in ehelllada dadkii dhintay iyo kuwa la soo badbaadiyay ay la xiriiraan dowladda si loogu baadigoobo, xogtoodana ay soo gudbiyaan.

 

Xeebaha dalkaas ee shilku ka dhacay ayaa muddo laga joogo saddax bilood waxaa ka dhacay laba dhacdo oo ay ku dhinteen muhaajiriin badan.

 

Bishii Sebtembar, doon ay saarnaayeen 12 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah iyo hooyo uur leh ayaa ka tagtay xeebta Anjouan, kuwaas oo ku wajahnaa xeebta Mayotte.

 

Dhanka kale bishii Agoosto ayay ahayd markii siddeed qof ay ku dhinteen dhacdo tan la mid ah, waxaana dadkaas ku jiray wiil 12 jir ahaa.

 

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa horraantii bishan soo saaray bayaan ay uga hadlayaan dad ku dhintay doomaha ku qallibmay xeebaha Madagascar waxa ayna tilmaameen inay tani tahay mid aad looga xumaado.

 

"IOM Comoros waxa ay aad uga xuntahay in ay maqasho dhimashada ugu yaraan 25 qof kadib markii dooni ay la socdeen tahriibayaal ay ku dagtay xeebaha u dhaxeeya Anjouan iyo Mayotte"

 

Ururka ayaa sheegay in dadka badbaaday ay ka soo kala jeedeen dalal kala duwan ayna ku jireen toddoba dumar ah iyo afar carruur ah, dadka badbaaday ayaa la sheegay in ay badbaadiyeen kalluumaysato.

 

Kumannaan qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay jidkan socdaalka iyagoo isku dayaya inay gaaraan jasiiradda Mayotte, Jasiiradaha Comoros iyo kuwo ku yaalla xeebaha Faransiiska.

 

Sanadkii 2012, warbixin ka soo baxday Senate-ka Faransiiska ayaa lagu qiyaasay in 7,000-10,000 oo qof inay dhinteen kuwaas oo ka soo baxay xeebaha Comoros kuna soo jeeday Mayotte, tan iyo 1995, balse sanadihii ka dambeeyay oo ay kordhayeen muhaajiriinta ayaa la sheegay in tiradaan ay aad uga bateen.

 

Maxaan ka naqaan Jasiiradda Mayotte?

 

Mayotte waxay 70km (43.5 meyl) u jirtaa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika - waa jasiiradaha Comoros.

 

Waa jasiirad ay ku nool yihiin ilaa 300,000 oo qof taasoo qayb ka ah jasiiradaha Comoros ee ka baxsan xeebaha bari ee Afrika.

 

Comoros waxay kamid ahayd goobihii ay ka talin jireen Faransiiska tan iyo 1975, waqtigaas kadib waxa ay ku jasiiraddani ku dhawaaqday madaxbannaani.

 

Laakiin Mayotte waxay dooratay inay ka sii mid ahaato Faransiiska, codayn dhacday sanadkii 2009-kii xilligaas oo dadka ay siwayn ugu codeeyeen inay kamid ahaadaan Faransiiska, dadka xilligaas codeeyay ayaa sheegay in dhaqaalaha iyo waxyaabe kale ay ku dooranayaan kamid ahaanshaha Faransiiska.

 

Sannadkii 2011, waxay noqotay waaxda 101aad ee Faransiiska, iyadoo la raacayo aftidii 2009.

 

Balse sababo la xiriira dhanka qulqulka tahriibayaasha ee in muddo ahba ay jasiiraddu la daalaa-dhacaysay, dowladda Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa qorsheyneysa inay meesha ka saarto qaanuunka lama taabtaanka ah ee sinnaanta ee Faransiiska.

 

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa bishii February ee sanadkan booqday jasiiradda wuxuuna sheegay in wax laga beddeli doono xaqa ay dhalashada Faransiiska u leeyihiin dadka ku dhasha Mayotte.

 

Waa waddan ay u badan yihiin Muslimiin, inkastoo Faransiisku yahay luqadda rasmiga ah, keliya qiyaastii kala bar dadka ayaa akhrin kara ama qori kara luuqadda Faransiiska.



bbc/somali

Loading...
Loading...