Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Qalooca Kulmiye (Qaybtii 76aad) Qore :Maxamed Xoosh

0
Saturday July 20, 2019 - 12:00:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Qalooca Kulmiye (Qaybtii 76aad) Qore :Maxamed Xoosh

    Xisbiga Kulmiye 2010 si uu madaxtinimada u hanto dad ayaa naf iyo maalba dul dhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye 2010 si uu madaxtinimada u hanto dad ayaa naf iyo maalba dul dhigay
keliya may ahayn dad qabyaaladi waday waxaase garab socday DANAYSTAYAAL balan qaadyo ka haystay SIILAANYO INUU U ABAAL GUDI DOONO, waayo si walba siyaasi u ahow waxa jira guul lagu gaadhi karo wadaag


Markay sidaa tahay bal aynu eegno halka kulmiye ka qaloocday ilaa imikana ka soo kaban kari laayay !
Ila eega doorarkay ragani ka ciyaareen talada dalka

1-Siilaanyo M/weyne la doortay oo BALANQAADYO badani u yaalaan dhinacna doonaaya inuu hormariyo dalka iyo khasnad madhan waxay noqotay inuu doonto cidii wax la qaban lahayd


2-Maxamed Xaashi wuxuu noqday Raiisal Wasaare awood buuxda ku dhex leh xukuumada runtii waxqabd wax ku ool ah oo loo aayay wuu qabtay balse SAWIRKIISA AYAA KA WEYNAADAY MADAXWEYNIHII XILKA U IGMADAY "Daacadnimada iyo Siyaasadu waa isku sidaaā€¯


3- Xirsi wuxuu matalaayay BALANQAADYADII deegaamadii naf iyo maalba dul dhigay xisbiga oo aan ku qanacsanayn madaxtinimada siilaanyo qudha BALSE DOONAAYAY KA MID NOQOSHADA DAWLADNIMADA SOMALILAND iyo in la siiyo qandaraasyo ka qayb gala tartanka lagu dhisidoono dalka (Weel samayso si laguugu soo rido qandaraas)


Xukuumadii Siilaanyo waxay QARAMAYSAY deegaamo dhan oo caasimadu ka fogayd oo laga badsay dheefta dawladnimada iyo xilalka dawlada maantana badhtanka u fadhiya guud ahaan talada dalka iyo xisbiyada qaran ee ka jira dalka oo dhan


Xukuumada Siilaanyo waxay sidii AFWEYNE Qaramaysay Dekeda Berbera oo DPWORLD laga fasaxay si ugu danbayta loo wada yeesho


Cida u haysta in Madaxweyne Muuse xisaabin doono MUSUQII DHACAY xiliyadii ka horeeyay waa qof aan QAAN GAADHIN sababo ay ka mid tahay wada jirka iyo midnimada dalka SOMALILAND si hadafka loo gaadho waa in deegaamo dhan laga laaluushaa jiritaanka dawladnimada



Maxamed Ibraahim Cigaal AHN oo ku xeel dheeraa falsafada siyaasada iyo habdhaqanka soomaalida ayaa yidhi (jiritaanka dawladnimada Somaliland dad ayaan ka laaluushaa)



Allaa Mahad Leh


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...