Ogoow saddex sababood oo Puntland u mamnuucday qamaarka 1xBet

0
Sunday November 24, 2024 - 18:43:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogoow saddex sababood oo Puntland u mamnuucday qamaarka 1xBet

    Isagoo sharaxayey sida uu burbuka dhaqaale uga dhaliyey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isagoo sharaxayey sida uu burbuka dhaqaale uga dhaliyey...



Maamulka Puntland ayaa deeganadooda ka mamnuucay barta online-ka ee 1xBet ee qamaarka lagu dheelo. Warqad ka soo baxday madaxtooyda Puntland ayaa lagu amray in shirkadaha isgaarsiinta ee deeganadas ka jira inay meesha ka saaraan Isticmaalka bartan.

 

Wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay ayaa saddexda qodon ku sifeeyey sababaha ugu waaweyn ee ay hadda u mamnuuceen khamaarkan onlin ka ah.

 

"Burbur dhaqaale, Burbur Buls, burbur Qoys", ayuu ku sheegay saddexda sababood ee ay u joojoyeen qamaarka.

 

Isagoo sharaxayey sida uu burbuka dhaqaale uga dhaliyey deegaandaas ayuu sheegay in ganacstado badan ay ku hanti waayeen ka dib markii ay lacago badan galiyeen khamaark 1xBet.

 

Wuxuu BBC-da u sheegay in saamayntiisu gaartay in xitaa ciidamada ammaanku ay ka mid yihiin dadka uu waxyeelada u gaystay barta online-ka ee 1xBet.

 

"Xitaa heer ay gaartay in askari uu ciyaaro markii lacagtu ka dhammaato inuu qorigiisa iibiyo ama qoriga saaxiibkii turufeeyo oo iibiyo si uu lacag u uku sii wado khamaar uu u helo” ayuu BBC-da u sheegay Wasiir Caydiid.

 

Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale jiraan kiisas qoysas burburiyey dhaqaale ahaan oo maxkamaddaha gaaray kuwaas oo muujiyey heerka burburka qoyska ee uu leeyahay Appkan 1xBet.

 

"Biilkii qoyska la siin lahaa in khamaar lagu ciyaarayey, bahalkaas dhibaato xoog leh oo dhaqale burbur leh mid bulsho leh oo mid dhaqan leh ayuu ku hayaa deeganada” ayuu intaa raaciyey.

 

Maxamuud Caydiid Dirir, wuxuu dhanka kale sheegay in joojintiisa ay ka horaysay daraasado ay sameeyeen maamul ahaan oo muujiyey inuu soo kordhayo dhibaatada uu dadka u leeyahay App-kan.

 

Inta badan isticmaalka degallada internetka waxay ku xiran yihiin inay dhexmaraan shirkado isgaarsiineed oo dhanka internerka ah, isagoo ka hadlayey sida go’aankan u dhaqan gali doono ayuu BBC-da u sheegay wasiir Caydiid, shirkaddaha isgaarsiinta ee deeganada Puntland ay ka wada hadleen waxyeeladiisa ayna isla qaateen.

 

Laakiin isticmaalahan barta online-ka ee 1xBet ee qamaarka oo magaciisa codsaday inaan la sheegin ayaa BBC-da u sheegay in ilaa saddex sano uu isticmaalayey isla markarnaa uu marar badan ku khasaaray mararna ku faa’iiday.

 

"Annigu waxan ahay dadka ciyaara, ee maahi dadka lacagaha sarifa oo akoonada dadka ugu shuba, kuwaas oo kale ilaa labo kun oo dollar ayay faa’iidaan bishii. Marka xilliyadii hore lacagaha laga heli jiray waa badnayn tusaale 15 qof oo meel fadhiya yaa arkaysay inay 10 ka faa’iidaan laakiin hadda waxaa badan khasaaraha oo waxaa laga yaabo in toddobaadkii hal ama laba habeen aad wax ka hesho,” ayuu BBC-da u sheegay Isticmalaahan barta 1xBet.

 

Isaga qudhiisu ma dafirsana inuu saamayn burbur oo bulsho uu leeyay. Wuxuu sheegay inuu goobjoog ka haa qof ay is yaqaaneen oo shan boqol oo dollar hal mar ku khasaaray oo ay ka gubatay.

 

"Lacagtii iigu badnay ee an ka helay waxay ahayd labo boqol iyo jajab waxaana galiyey labo dollar iyo waxyar, dadkuna waa u kala nasiib badan yihiin,” ayuu intaa raaciyey.

 

Waxa uu sheegay in uusan soo dhaweynayn go’aanka, isaga oo u sababeeyay in shaqo la’aan ay ka jirto deeganada Puntland.

 

"Wax dana in la xiro kuma jirto ani ahaan” ayuu BBC-da u sheegay.

 

Qaar ka mida shirkadaha isgaarsiinta ayaa sheegay inay dhaqan galinyaan amarka ka soo baxay dowladda.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale u sheegtay inay xirtay barta online-ka ee 1XBet ee qamaarka basle wali si dhammaystiran ugama dhaqan galin dalka.

 

Maxay tahay bartan 1XBet

1xBet, waa shirkad khamaarka online-ka ah oo leh ruqsad ka socota Shatiga eGaming ee jariisa ku taalla C Curaçao. Waxaa la aasaasay sanadkii 2007, waxayna xarunteedu tahay Qubrus.

 

1XBet waa mid ka mid ah madalaha qamaar ee ugu waaweyn ee online-ka adduunka, waxayna aqbashaa khamaarka dhacdooyinka ciyaaraha la xiriira, oo ay ku jiraan ciyaaraha carruurta, kuwaasoo toos looga sii daayo boggeeda internetka. Waxaa kale oo shirkada habkeeda online ka ah lagu ciyaaraa khamaarka dagaalka oo loo adeegsado qoryo iyo askar dagaalamaysa oo digital ah.

 

Sida uu BBC-da u sheegay Axmed Nuur Amiin oo ku takhakhay arrimaha tiknoolajiyada gaar ahan dhaqaalaha danabaysan ayaa sheegay sababta ugu weyn ee aaladan caanka ka dhigay ay tahay sida fudud ee loo isticmaali karo .

 

"Sharciyada masuuliyadda khamaarkana ma raacaan inta badan waana sababta dal badan u mamnuuceen”ayuu yiri Axmed.

 

Dalalka manbuucay waxaa ka mid ah UK, Holland, Belgyim iyo Ruushka oo asal ahaan ahaa meesha lagu abuuray degalkan online-ka ee 1XBet ee qamaarka

 

Amiin aya qaba in marka la eego aaladan ay leedahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin la qabsiga iyo waxyeelo dhanka dhaqaalah ah.

 

Kooxo waaweyn oo kubada cagta ah ayaa aqbalay xayeysiinta magaca shirkada 1xbet kuwaas oo ay ka mid yihiin kooxda Barcelona ee Spain iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Faransiiska.

 

Sanadkii 2023-kii dhaqaalaha shirkadan 1xBet ee qamaarka ayaa ahaa 2.5bilyan basle sida Aamiin nuur qabo waxaa saamyey dagaalka Ukriane sida uu sheegay maadama asaasayaashedu ka soo jeedaaan dalka Ruushka.


Loading...
Loading...