Soomaaliya iyo Turkey:- 8 qodob oo aad u baahantahay in aad hada ogaato.

0
Sunday November 24, 2024 - 18:14:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Turkey:- 8 qodob oo aad u baahantahay in aad hada ogaato.

    Goobta muhiimka ah ee Soomaaliya ku taal oo dhul-barbarahu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobta muhiimka ah ee Soomaaliya ku taal oo dhul-barbarahu



Waxaa maalin kaste xog dheeri ah ka soo baxayaan heshiis cusub oo u dhexeeya Ankara & Muqdisho oo ku saabsan "Xarunta Hawada sare " ee wadajirka ah, dhismaha ciidanka bada, ciidanka cirka iyo xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya labada waddan.

▪️Madaxwaynaha #Turkiga #Erdogan ayaa si cad uga sheegay kulanka xisbigiisa #AkParti MYK in Turkiga uu ka dhisayo #SpaceCenter dalka Soomaaliya, taasi oo sidoo kale ah mid kamid ah xulafada aadka ugu dhaw Ankara ee aan #NATO ka tirsanayn sida madaxweynuhu sheegay.

▪️Goobta muhiimka ah ee Soomaaliya ku taal oo dhul-barbarahu maro iyo sidoo kale jihada furan ee badweynta Hindiya ee baaxadda weyn ayaa ka dhigaysa meesha ugu muhiimsan ee laga soo tuuro gantaallada; gaar ahaan kuwa qaada culeyska geosynchronous sida dayax-gacmeedka isgaarsiinta sida #Turksat. Wareega dhulka awgeed, dhulbarahu waxa uu siinayaa gantaalada xawliga ugu badan, kaydinta shidaalka iyo dhimista warshad soo saarista shidaalka. Dhanka kale, gelitaanka baddu waxay u oggolaanaysaa in gantaalada la tuuray si nabad ah u soo noqdaan si dib loogu isticmaalo.

▪️Baarlamaanka Turkiga ayaa todobaadkii hore meel mariyay miisaaniyad sanadeedka 2025-ka ayaa $6 Billion u qoondeeyay dhismaha xarunta la doonayo in lagu dhiso Soomaaliya. 350 milyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa lagu wadaa in si deg deg ah loo soo gaarsiiyo #Muqdisho si mashruuca loo bilaabo.

Imaaraatka iyo Qatar, oo labaduba ah saaxiibada Turkiga ee mashruuca Jidka Horumarineed ee Ciraaq, ayaa la sheegay inay sidoo kale muujiyeen xiisahooda lagana yaabo inay noqdaan maalgeliyayaal si ay saami ganacsi uga helaan Xarunta Hawada sare iyo faa'iidooyinka kale ee Turkiga. Tan wali lama xaqiijin.

Haddii wax walba sida loo qorsheeyay u dhacaan, dhismuhu waa inuu bilaabmaa horaanta 2025 iyadoo ujeedadu tahay in la soo gabangabeeyo sanadka 2028.

▪️Space Center waxa ku jiri doona Dakad ay ku soo xirtaan maraakiibta xamuulka ah, hal ama in ka badan oo lagu rakibo gantaalada kala duwan, tas-hiilaadka isku xirka dayax gacmeedyada, farsamaynta shidaalka & haamaha kaydinta saliida,xafiisyada maamulka, injineernimada, telemetry iyo dhismayaasha adeegyada kale duwan loo adeegsado.

▪️ Qorshaha waxaa ku jira dhismaha saldhiga ciidanka Badda Soomaaliya oo dowladda Turkey ka caawinayso tababarka, saadka & amniga Xarunta Hawada sare. Turkiga ayaa sidoo kale qorsheynaya in uu dhiso saldhig u dhow xarunta oo la dhigo gangaalada lidka diyaaradaha si looga caawiyo Soomaaliya dhismaha & dayactirka ciidamada Cirka.

▪️Si ka duwan sidii Ruushka ula heshiiyey Kazakhstan ee kiiska #Baikonur Cosmodrome,Turkiye si fudud ugama kiraysan doono Soomaaliya goobta. Xarunta la dhisi doono waxaa si wadajir ah u yeelan doona oo maamuli doona Turkiga iyo Soomaaliya, marka laga soo tago wadmada arrintaan xiisaynaya oo laga kirayn doono. #SpaceX ayaa si toos ah u sheegay rabitaankiisa.

▪️Madaxa shirkadda SpaceX Michaela Pawlak ayaa khamiistii lasoo dhaafay booqatay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Carab, waxa uun kala hadlay iskaashiga mashruuca. Turkiye waxay horeba xiriir ganacsi ula lahaa SpaceX.

▪️Inkastoo xogtaan qayb ahaan helay, diiday bixinta xogta macruucaan oo ay ugu wacan tahay dabciga istaraatiijiyadeed iyo dhinacyo badan leh.

Guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka Turkey oo arrintaan wax laga waydiiyay waxa ay sheegeen in $6 bilyan Turkigu u qoondeeyay dhismaha saldhiga sidoo kale dabooli doonto saldhigga ciidammada badda ee la qorsheeyay, goobta maraakiibta iyo sidoo kale cabbirka tijaabada gantaallada milatariga oo kala duwan.

Balse waxaan si dhow ula socon doonaa xiriirka sii kordhaya ee Soomaaliya iyo Turkey si aad u hesho xogihii ugu dambeeyay

Xigasho/ Hassan Noor


Loading...
Loading...