Farqiga U Dhexeeya Wadani Iyo Kulmiye!

0
Saturday July 20, 2019 - 10:29:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farqiga U Dhexeeya Wadani Iyo Kulmiye!

    Qofkii raba inuu kala ogaado labada xisbi ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkii raba inuu kala ogaado labada xisbi ee Somaliland

ku loolama waxay u taagan yihiin bal ha dhegeysto oo ha dhuuxo labadan wiil ee mid waliba xisbigiisa u hadlayo.


Inanka koowaad wuxuu ka hadlayaa oo doodiisa ku salaynayaa hadal nuxur leh oo taabanaya amuuraha siyaasadda ee ka aloosnaa todobaadyadii la soo dhaafay maamulka Somaliland. Wuxuu xukuumadda su'aalayaa inay dadka ka qanciyaan qodobbadan; a) safarkii Nairobi ee wasdahadalka ee wejigabaxa lagala soo kulmay b) hawadii Xamar lagu wareejiyey c) safarkii Gini ee hungada dhalay d) xoolahii Sacuudiga loo diray oo laga been sheegay e) colaadda CeelAfweyn, f) midayanta Somaliland iyo xal u helidda arrimaha Cali Khaliif (Khaatumo). Dhammaantood waa arrimo bulshada degaannadaa ku dhaqan si toosa saamayn u leh xaqna ay u leeyihiin inay xukuumaddooda ka maqlaan jawaabo waafiya (fiiri lifaaqa koowaad.



Inanka labaad ee xukuumadda Somaliland iyo xisbiga kulmiye soo dirsadeen muxuu haddaba dooddii Wadani kaga jawaabay? Kamaba jawaabine muxuu la gole yimid?


Nuxurka doodda ina Kulmiye waxaan kusoo koobayaa a) Xamar baa lagaa soo diray b) Maxammed Kaahin waa "MUJAAHID"! (dhegeyso lifaaqa labaad)


1)  https://www.youtube.com/watch?v=uq-LjLhppSw 

2) https://www.youtube.com/watch?v=Z9tJQtlM3vM  

 

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...