Waxba Kuma Kala Duwana Siyaad Barre Iyo Farmaajo

0
Saturday July 20, 2019 - 10:09:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxba Kuma Kala Duwana Siyaad Barre Iyo Farmaajo

    Maqaalkan kooban waxan is bar bar dhigi doonnaa Siyaasaddii uu ku dhaqmi jiray Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkan kooban waxan is bar bar dhigi doonnaa Siyaasaddii uu ku dhaqmi jiray Maxamed

Siyaad barre iyo tan uu maanta ku dhaqmayo Madaxweyne farmaajo maxay iska metelaan,uma jeedno inaan shakhsiyan u weerarayno Farmaajo ee waa "political prespective” dhinaca mawaaqifta Siyaasiga ah ee ay iska shabahaan,waxan uga jeednaa in umadda Somalida ah ay digniin uga noqotto jidkii shalay lagu lumay inaan maantana la raacin,oo la iska qabto hogga madow ee uu maantana madaxweyne farmaajo ku wado ee u eg dawgii uu maxamed Siyaad barre umadda ku jebiyay ee lagu hoobtay dhibtiisiina wali maanta taagantahay.



Madaxweyne Farmaajo wuxuu aaminsanyahay mabaadd’ddii uu aaminsanaa Siyaad barre oo xigto ahaan la sheego inay isu dhowaayeen,isla markaana uu ahaa dhalinyartii uu tababari jiray,waxa ay iska matalaan Xagga Siyaasadda iyo mabaadiida guud wax badan waxana la is odhan karaa wax farqi ahi uma dhexeeyo,xagga magacaabista xilalka oo qaraabada ugu dhow ah sida Xassan cali khayrre oo la sheego inuu hab seeddininmo ku soo xushay,xagga erayada (terminology) iyo dhawaaqa,xagga is diidsiinta xaqiiqada jirta.


Wuxuu aaminsanyahay in dagaalkii xukuumaddii Siyaad barre lagu riday uu ahaa khalad sidaas darteed waa in dib loo saxaa oo raadkii dib loo raacaa,oo la soo nooleeyaa xukuumaddii Siyaad barre oo kale,waxad ka arkaysaa hadalladii u ka jeediayay fagaarayaasha inuu carabaabay in halkii Somalia laga dumaiyay ay ahayd Ethiopia,sidaas darteed imika ay soo xidhaan albaabka Ethiopia waxanu u jeedaa SNM ayaa Ethiopia gudeheeda dagaal ka soo qaadday,1988kii,waxay ku kala duwanyihiin quwaddii military ee Siyaad barre haystay ayunbanu Farmaajo haysan waa taas ta ay ku kala duwanyihiin.


Waxyaabaha ay iskaga mid yihiin waxa ka mid ah,Siyaad barre dagaalkii 1977kii ay Somalia la gashay Ethiopia wuu dafiri jiray waxanu odhan jiray Jabhado Gobanimodoon ah ayaa la dagaalamaya Ethiopia oo raba inay ka xoroobaan,iyadoo la arkayo Diyaaradaha iyo taangiyada dagaalka ee ku qul qulaya Ethiopia ayuu haddana Caalamka indhaha u saabin jiray,waxa kaloo uu siyaad barre Dafiri jiray in jabhado ha ahaato SSDF ,SNM  ama USC ay dagaal kula jiraan,oo wuxuu sheegan jiray inay nabad iyo barwaaqo tahay Somalia iyadoo xilliyadaas 1980skii ay Somalia dagaal aanay ka bixin,keliya wuxuu qirtay 1988kii markii Ciidamada SNM ay Hargeisa,Burco,Cadaadley iyo meelo kale ay sida lama filaanka ah weerarka ugu soo qaadeen wuxu qiray in kooxo budhcad miidaamo ah ay weerar ku soo qaadeen hargeisa iyo burco lkn ma odhan SNM ayaa ila dagaalamaysa waayo Runta ceeb ayay la ahayd,waxa kaloo uu qirtay maalmihii uu xamar ka sii baxsanayay,oo uu hadal duubay uu leeyahay waar boobka joojiya,intii ka horraysay waligii lagama maqal dagaal ayaa nagu socda,sidaas darteed dadka shacbiga ah ee la xasuuqayo wax warbaahin ah oo arki jirtay may jirin lamana oglayn inay warbaahintu wax ka sheegto,ama ay xattaa wadankaba soo gasho.

 

Bal u fiirso dhacdooyinkan,Taariikhda marka dib loo yara raaco,sanadihii  1989 ilaa 1990,waxa dhaman bur buray magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeisa,Burco,gabiley,Berbera,oodweyne,cadaadlay, iyo dhamaan degmoyinka iyo tuulooyinka Somaliland waxa ka taagnayd xaalad ay dadku u qaxeen Ethiopia in ka badan 500,000 waxa dalka gudihiisa ku barajacay 500,000 oo kale sababtu waxay ahayd waxa dagaakl qadhaadh ka dhex socday Jabhaddii SNM iyo Ciidamadii Xukuumaddii siyaad barre iyadoo xaalladu halkaas marayso ayaa waxa dadku maqleen in Ciyaarihii Gobollda Somalia ay ka socdaan Stadium Muqdisho,waxa ciyaaraya Gobollada Togdheer iyo Woqooyi galbeed waxana tebinaya idaacadda radio muqdisho si caadi ah gobolka woqooyi galbeed ayaa ciyaartaasi guushu ku raacday ayaa la leeyahay dadkii way yaabeen,waxa loo fahmay axmaqnimadii Taliskii Siyaad barre uun inay ka mid tahay been abuurka intaas leegi.


Muddo ka dib isla sanadahas haddana Madaxweyne Siyaad barre Wuxuu magacaabay,guddi ay ka mid ahaayeen Wasiirkii arrimaha gudaha oo isla markaana Gabadh uu Siyaad barre dhalay qabay iyo laba xubnood oo kale oo Somalilnd ka soo jeeda waxay kala ahaayeen;-

1-Axmed Suleyman Cabdalla (dafle)      Wasiirka arrimaha gudaha Somalia

2-Axmed Jamac    (Ashcari)                      Wasiirka macdanta iyo biyaha iyo

3-G/sare l Yusuf   Tallan  Cali                    oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka

Sadexdan nin oo ka soo jeeday Goboolda Woqooyi dhalasho ahaan hase ahaatee ka tirsanaan nidaamkan laga cabanayay ayaa ujeedada uu Siyaad barre u soo diray ee uu caalamka maqashiinayay waxay ahayd inay soo dejinayaan rabshado iyo shaqaaqo ka jirta woqooyiga Somalia,waxa uu markaas ka been sheegayay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirtay Gobollda woqooyi,illayn goob dagaal ka socdo guddi looma diree, xiilligan sanqadha keliya ee laga maqlaa gayiga Somaliland ay ahayd dayaanka Madaafiicda,dhawaaqa rasasta iyo Diyaaradaha gaallaa baxaya,hase ahaatee dadku lamay yaabayn oo way ka dheregsanayeen Siyaad barre iyo wuxuu yahay, waxay lahaayeen waa caadadiisii ee howshiisa ha iska watto Siyaad barre.


Bal haddaba maanta u fiirso 30 sano ka bacdi oo Somalia kala goday oo ay Somaliland dhisantay,doorashooyin qabsattay shan madaxweyne is beddeleen oo nabadeeda iyo nidaamkeeda dhisatay in Madaxweyne farmaajo oo lagu doortay taandho gudeheed,oo ay waardiye ka yihiin Ciidamo shisheeye,masaafada uu ka taliyaa ay tahay dhowr KM dadka uu xukumaa ay la il daranyihiin dhibaato iyo dagaallo iyo xaalad amni darro,inuu shacbiga reer Koonfureed ee masakiinta ah maaweeliyo,oo yidhaa midnimo ayaan dhisayaa oo lacagta Humanitarianka ah ee loogu dhiibo dadka dhibban uu u adeegsado Siyaasad iyo inuu daba cararo Somaliland oo aan waxba uga dan ahayn,wuxuu sheegtaa inuu Somaliland ay ka tirsantahay Maamulkiisa maxay ku kala duwanyihiin Siyaad barre? Waa isku mid ayaa la odhan karaa.hadalku waa kii uun,dhaqankuna waa kii uun.


Haddaba waxa jirta in Bulshada caalamku sanadahan danbe ay dabada ka riixayaan inuu wada hadal dhex maro Somaliland iyo Somalia si xaaladda Somalia uga soo rayso,wada hadalkan daacad marnaba kama noqdaan madaxda reer Somalia haba ugu sii darnaado farmaajahan imika joogaa,marar badan ayay ka meeraystaan wada hadalka ama ay carqalad geliyaan si look ala kaco.


Iyadoo xaalku sidaas yahay ayaa haddaba si uu indho sarcaad ugu dhigo,umadaha caalamka oo uu yidhaa wada hadalkii ayaan furay ayaa wuxuu soo magacaabay guddi ay ku jiraan taliyeyaashii Xukunkii Siyaad barre Ciidamada xukumayay,oo qaarkood uu soddog u yahay Madaxweynihii hore ee Siyaad barre waxanay kala yihiin sidan.

1-C/laahi sheikh Ismaciil Guddoomiyaha guddiga

2-C/raxman cabdi xuseen Guul wade oo ahaa talihii Ciidamada Guulwadayaasha xilligii Siyaad barre (Siyaad ayaa sodog u ahaa)

3-Sarreeye Guuto  Axmed Jaamac muuse Waa taliyihii Ciidanka boliska ee xilligii Syaad barre

4-Xildhiban Axmed   jaamac Jangali waa dadkii daacadda u ahaa Taliskii Siyaad barre xilalkana ka soo qabtay

5-Dr C/raxmaan macalin baadiyow

6-Dr Cali  siciid Fiqi waa dadka aaminsan Midnimo Somali wayn (Unionist)

Haddaba marka la eego guddigan dhamaan sadex arrimood ayaanay suurto gal u ahayn in Somalilnd aqbasho ama wada hadal la furto

1-Laba ka mid ah waa reer Somalilnd dhalasho ahaan,sidaas darteed wuxuu ka dhigayaa qaabkii 4.5 ee ay wax ku qaybsadaan oo waxa loo ekaysiinayaa inay Somali oo dhan  ka koobanyihiin iyadoo uu Somaliland ka dhigayo inay ka mid tahay Somalia.

2-Guddigan wuxuu ka dhigayaa inay iyagu ka masuul yihiin ama u xilsaaranyihiin inay dhameeyaan tabashada reer Somaliland,halkii ay ka ahayd in laba dal oo siman loo wada hadlo.

3-guddigan oo dhamaantood ka tirsanaa taliskii ay reer Somalind ka tirsanayeen xasuuqa arxandarrada ah.


Qodobka ugu yaabka badan ayaa ah inuu ku doodayo,in Guddigani ay iyagu arrinta Somaliland iyo tabashadeeda dhamayndoonaan,miyaanay la mid ahayn Guddigii uu siyaad barre Hargeisa u soo diri jiray oo kale uun,side ayuu caalamku uga akhrisan karaa beenta intaas leeg,waddamada dunida ee daneeya arrimaha Somaliland iyo Somalia waxay eegayaan laba dal oo is hor fadhiista oo Gartooda la isu dhegeysto,xaggee lagu arkay laba dal oo siyaasad isku haya oo midi yidhaa anigaa Guddi ka magacabaya dhinacayga oo keliya.


Waxa kale oo jirta Madaxweyne Farmaajo,wuxuu ku doodaa inay Somaliland tahay is maamul ka tirsan Somalia,waxase caalamku ogyahay in marnaba aanay Somalilnd goob la fadhiisan Somalia,wax Federal ah oo ay heshiis kula gashayna aanay jirin,hase ahaatee xukumadda uu hoggamiyo Farmaajo waxay la hor tagtaa dadyow ka caqli iyo cilmiba badan inay xukuumadooda tahay ta wax laga waydiin karaa Somaliland,hadday tahay maal gashi,iyo hadday tahay Dhoofka xoolaha,hase ahaatee su’aal keliya ayuu ku dhacaa oo ah xafiis ma ku leedihiin Somaliland ayaa la waydiiyaa kolkaas ayuu diyaarad ka soo raacaa waddankaa u u dacwad tagay.


Umadda Somalida ah waxa la gudboon inay iska qabtaan taliska beenta ku dhisan ee farmaajo,shan Somaliyeed oo meel yaalla iyo midnimo la soo helayaa majirto,xattaa muqdisho ayaanu hanan Karin maamulkeeda ee yaanu idin lugoyn.dafiraaddii iyo indho adkaantii uu Siyaad barre caanka ku ahaa ayunbuu halkii ka sii miisayaa.


Xukuumadda Somalilnd way ku saxsantahay inay qaadacdo,Guddigaas uu farmaajo soo magacaabay xaqna way u leedahay,sababtoo ah uma jeedaan xukuumadda Farmaajo in la wada hadlo oo xal la gaadho ee waxay u jeedaan is yeel yeel,iyo inay caalamka iyo Somaliland ka iibiso been cad oo la wada arkayo.waxanan u arkaa inaanay jirin wax rajo ah ama garowshiiyo ah,ama hab dhaqan wanaagsan ee waxa ka fiican in Somalilnd ay howsheeda uun wadato,caalamkana tusto inanay Somalia wax wada hadal ah diyaar u ahayn.

 

Wa billaahi towfooq

Rashiid odowaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...