Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Guuldarada Ka Soo Gaadhay Doorashada.

0
Thursday November 21, 2024 - 08:07:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Guuldarada Ka Soo Gaadhay Doorashada.

    " waxana uu yidhi,"Waxan halkan ka caddaynayaa inaanu …"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" waxana uu yidhi,"Waxan halkan ka caddaynayaa inaanu …"



Hargeysa -(HWA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyeeyey Madaxweynaha ay dhawaan doorteen shacabka reer Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana uu aqbalay oo soo dhaweeyey natiijada ku-meel-gaadhka ah ee kasoo baxday guddida doorashooyinka qaranka.

 

Ugu horrayn, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay doorashooyinkii madaxtooyada iyo xisbiyada ee dalka ka qabsoontay sida shacbiga reer Somaliland ee codkooda sida nabadgelyada ah u dhiibtay, guddidii doorashooyinka, axsaabtii iyo ururradii tartamayey iyo ciidamadii amniga ilaalinayey.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay inuu aqbalay guusha xisbiga WADDANI kasoo hooyey doorashooyinkii dalka ka dhacay, murashaxiintiisana ku hambalyeynayo xilka culus ee la saaray, waxana uu yidhi,"Waxan halkan ka caddaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada kasoo baxday oo uu ku guulaystay xisbiga WADDANI, sharcigana ay tahay sharafta iyo Qaran-dhiskuna sidaa yahay.”

 

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,"Ma aha maalin aynu murmaynno oo aynu isku qabsanayno oo dhexdeenna khilaaf ka imanayo’e waa maalin aynu wada guulaysannay oo aynu Qarankeennii kor u dhisnay,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii,  Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada, isaga oo guud ahaanba shacabka reer Somaliland-na ka codsaday in lala shaqeeyo Madaxweynaha la doortay, Qarandhiska Somaliland-na meel looga soo wada jeesto, si guul wadareed  iyo badhaadhe loo gaadho.

Wa-bilaahi Tawfiiq


Loading...
Loading...