Talo Siin Madaxwaynaha la, doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland:-
Intaa ka dib, mudane Madaxwayne waxaa dhintay akhlaaqiyaadkii..
Ugu horayn waan salaamayaa bahda saxaafada ee hadhwanaag news, salaan ka dib waxaan halkan kusoo gudbinayaa maqaal talo siin ah oo ku socda Madaxwaynaha la, doortay ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi Cigaal.
Talo Siin Madaxwaynaha la, doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland: -
Mudane Madaxwayne marka hore waxaan kuu soo dirayaa adiga iyo madaxwayne ku xigeenka la, doortayba hambalyo, waxaanan ilaahay idiinka baryayaa inaad noqotaan kuwo Somaliland oo dhami mahadiso ilaahayna kaga xishooda kuna adeeca masuuliyada balaadhan ee laydiin igmaday.
Intaa ka dib, mudane Madaxwayne waxaa dhintay akhlaaqiyaadkii siyaasadeed, bulsho iyo nidaam ee wadanka, waxaana korka soo maray oo umadda 7 sano utalinayay dad aanay waajib ahayn in xitaa qaarkood xoolaha lagu aamini karin iskaba daa masuuliyad umadeede, kuwaasi kuwo qarsoomi kara maaha, waa kuwii umadda kala irdhaynayay, waa kuwii hadalada xanafta, qabyaalada iyo kala qaybinta bulshada u haystay in horumar lagu gaadhayo, waxaanay hayeen ama hayaan wali xilalkii qaranka, waxaanaynu ognahay cidda shaqada qaranka lagu aamini karaa inay noqoto cid lagu soo xusho, aqoontoodu heerka ay gaadhsiisan tahay, alle ka cabsigoodu halka uu gaadhsiisan yahay, akhlaaqdoodu kartidooda iyo huftaantooda shaqo halka ay gaadhsiisan tahay, sidoo kale cidda wax lagu aaminayo ama xil umadeed loo dhiibayo waa inay la, haataa curin iyo faham dheeriya.
Balse qaar badan oo imika ka mida kuwa xilka banaynayaa waxay faaruqiyeen ama baneeyeen masuuliyadii qaranka ka saarayd guud ahaan, mid dhaqan, mid umadeed, mid dalka iyo mid diineedba.
Sidaa awgeed Mudane Madaxwayne waxaan talo kuugu soo gudbinayaa islamarkaana kaa codsanayaa inaanay mardambe umadda ka soo hor muuqan oo waa macaan jecel, oo kolba ninka meesha haysta ayay isa soo agtaagaane aan umadda mardambe wax loogu dhiibin, laguna aaminin masiirka iyo hogaaminta Bulshada Somaliland, waxaanay mudan yihiin in lagula xisaabtamo sharcigana ay u maraan halkii ay dalka dhigeen iyo godobihii iimaan la,aanta ahaa ee ay umadda kula dhex wareegayeen, haddiise aad cafis u fidiso waxba kuma xumaanayaan lkn fadlan waxaan markale codsanayaa inaanay mardambe Buuni iyo Xinif iyo kuwii la, midka ahaa umadda kasoo hor muuqan.
Mudane madaxwayne Waxaa kale oo jirta oo dalkeena halkaa dhigtay in marka madaxwaynuhu dawlad dhiso ee wasiiro magacaabo iyo agaasimyaal ay u noqdaan ama u fahmaan inay madaxwaynaha u shaqaynayaa ee aanay qaranka u shaqaynaynin ama waxa ku abuuranta cabsi ah si,aan shaqada lagaaga eryin iska dhis oo ka agdhawow madaxwaynaha ama waxa loo yaqaano guul wadaynta, Mudane ninka masuuliyadiisa garan waaya ee guulwadeeyaa maaha qof jira waxna laguma aamini karo, sidoo kale guulwadaynta waxa ku raaxaysta oo nafmooda hogaanka aan isku kalsoonayn ee kaligii taliyaha ah ee macangaga ah, mudane Madaxwayne hasoo dhawaysan guulwade, adiguna haku casayn shaadh kaaga in laguu guulwadeeyo, intaan kaa bartayna sifahaa kuguma arag ilahayna waxaan ka baryayaa inaad noqoto mid dadkiisu u siman yihiin kuna raaxaysta wadajirka iyo jihaynta dadkiisa oo isku duuban ee aan ku raaxaysan kuwo kaaga guulwadeeya idaacadaha iyagoo adiga iskaa maqashiinaya bulshadii xilku ka saaraana kala qaybinaya oo iska horkeenaya.
Wabilaahi Tawfiiq.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...