Komishanka Doorashooyinka oo maanta Maxkabada Sare Ee Dustuuriga ah u gudbiyey Natiijada Ku-meelgaadhka ah ee Doorashooyinka

0
Wednesday November 20, 2024 - 18:31:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka oo maanta Maxkabada Sare Ee Dustuuriga ah u gudbiyey Natiijada Ku-meelgaadhka ah ee Doorashooyinka

    Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Aadam Xaaji Cali Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Aadam Xaaji Cali Axmed



Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo maanta ka guddoomay Guddida Doorashooyinka Qaranka natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka.



20/11/2024-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyada Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta ka guddoomay natiijadii hordhaca ah ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf.

Ugu horayn Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland mudane Muuse Xasan Yuusuf, ayaa xusay in ay sharaf weyn u tahay guddi ahaan in maanta ay usoo gudbiyaan Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka Madaxweynaha, ku xigeenka Madaxweynaha iyo Axsaabta Qaranka.

Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Guddida ka guddoomay isla markaana ku bogaadiyay shaqadii qiimaha badnayd ee ay qabteen, waxaanu is dul taagay in ay dalka guul iyo magac usoo hooyeen. Sidoo kale waxa uu hambalyeeyay shacbiga Somaliland oo uu xusay in ay si xadaarad leh uga qayb qaateen ollolihii, doorashadii iyo sugitaanka natiijadiiba.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay dhinacyadii tartamayay oo uu sheegay in ay si fiican oo xadaarad leh uga qayb qaateen, lana shaqeeyeen guddida doorashooyinka iyo guddiyadii kale ee ka farcamayayba.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu hambalyeeyay ciidamadii kala duwanaa ee ka qayb qaatay ammaanka doorashada. Ugu danbayna waxa uu bogaadiyay Madaxweynaha doorka uu ka qaatay qabsoomida doorashada haddii ay tahay dhaqaale ahaan iyo taageero ahaanba.





Loading...
Loading...