Maraykanka Oo Doorashada Somaliland War Ka Soo Saaray.
Mareykanka oo war
qoraal ah ka soo saaray natiijadii ay guddiga doorashooyinka Somaliland ku
dhawaaqeen saaka ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeey doorashadii dhawaan
dhacday.
Madaxweynaha la doortay
ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayay sidoo
kale hambalyo u direen.
Dhanka kale, waxa ay
boogaadiyeen doorashooyinka iyo xil wareejinta u dhaca sida nabadda ah iyaga oo
qoraalkooda ku xusay inay taasi tusaale u tahay gobolka.
Sida guddiga
doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen waxaa sidoo kale soo baxay Waddani,
Kulmiye iyo Kaah oo noqon doona Xisbiyada Somaliland sanooyinka soo socda.
Marka laga soo tago
ururada siyaasadda ee doorashada ku haray, waxaana isna meesha ka baxay
Xisbigii Ucid oo muddo ka jiray Somaliland, halka ay soo noqdeen labadii Xisbi
ee Ucid uu saddaxda ku ahaan jiray waa Waddani iyo Kulmiye, iyadoo booskii
Xisbiga Faysal Cali Waraabe uu hadda galay Kaah oo uu hoggaamiyo siyaasiga
caanka ah ee Maxamuud Xaashi.